إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Markay qiyaamadu dhacdo.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Markay qiyaamadu dhacdo.
لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ
Dhicidddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا
Marka la gilgilo dhulka gilgilid.
وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا
Buurahana la ridqo.
فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا
Oy noqoto boodh firdhisan.
وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَٰثَةً
Ood ahaataan saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
فَأَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Kuwa midigta mari (waa ehlu-jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
وَأَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehlu naarkee) ma taqaan kuwa bidixda mari.
وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلسَّٰبِقُونَ
Iyo kuwii aad u hormaray.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Waa kuwa Alle dhaweeyay.
فِى جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Waxayna gali jannooyin nicma leh.
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
Waana koox ka mid ah kuwii hore.
وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ
Sariiro dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَٰبِلِينَ
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
Maalinta qiyaame waa magacyo badan tahay, waynideeda iyo dhibkeeda darteed, dhabahaan bayna u iman markaasay cid walba rumayn, maxayse tari rumayni waqtigaas, waxaana dhaca maalintaas dad kor loo qaado oo la sharrifo iyo mid hoos loo dhigo oo la dulleeyo, dadkuna wuxuu noqon saddex qaybood, kuwa aad u hormaray iyo kuwo kitaabkooda midigta ka qaadan, iyo kuwo xun oo jidka jahannama qaadi, saas darteed yey waajib tahay inuu u darbado ruux walba maalintaas. Kana fiirsado kooxduu noqon isagoo Alle ku xidhan. Cusmaan binu Suraaqa wuxuu sheegay: in saacadda qiyaame hoos ugu dhigi naarta cadowga Alle, jannaduna kor ugu qaadi awliyadiisa.
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ
Koobab iyo kildhiyo iyo galaasyo khamro soconaysa laga buuxiyay.
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
وَفَٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.