سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Alle sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Alle na waa adkaade falsan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Alle sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Alle na waa adkaade falsan.
لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa Alle u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo dhulka isagaa wax nooleeya waxna dila, waxwalbana wuu karaa.
هُوَ ٱلْأَوَّلُ وَٱلْـَٔاخِرُ وَٱلظَّٰهِرُ وَٱلْبَاطِنُ وَهُوَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Allaah waa kan horreeyey, (wax ka horreeyana ayan jirin) waa kan dambayn (oo wax ka dambayni jirin) waa kan ka sarreeya wax kasta (oo wax ka sarreeyaa jirin) waa kan baadina (oo wax ka dhawi jirin), wax walbana og.
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Alle waa kan ku abuuray samaawaadka iyo dhulka lix maalmood qaddarkood, markaasna carshiga ka sara maray, wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa samada ka soo dagi iyo waxa u kori, Alle na wuxuu idinku wehliyaa (cilmigiisa) meelkastood ku sugan tihiinba* waxaad camal falaysaanna Alle waa arkaa.
لَّهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ
Alle ayaa iska leh xukunka samada iyo dhulka, xaggiisaana loo celin umuuraha.
يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَهُوَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Alle waa kan habeenka iyo dharaarta is dhex galiya (kala badiya) waxa laabta ku jirana waa ogyahay.
Alle wuxuu mutaa sharrifaad iyo waynayn, maxaa yeelay isagaa ahaysiiyay khalqiga, wax walbana maamula, waana kan horreeyay dambaynna, xukunka iyo awoodda caalamkuna maamulkiisa ku hoos jiro, wax ka qarsoonna ma jiro, tasarrufkana isagaa iska leh, haddaadan adugu arkinna isagaa ku arka.
ءَامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُوا۟ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسْتَخْلَفِينَ فِيهِ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَأَنفَقُوا۟ لَهُمْ أَجْرٌ كَبِيرٌ
Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa, bixiyana wax ka mid ah wuxuu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa), kuwa rumeeyay Alle oo idinka mid ah waxna bixiyay waxay mudan ajir wayn.
وَمَا لَكُمْ لَا تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ لِتُؤْمِنُوا۟ بِرَبِّكُمْ وَقَدْ أَخَذَ مِيثَٰقَكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Alle, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi inaad rumaysaan Allihiin, isagoo Alle ballan idinka qaaday haddaad mu’miniin tihiin.
هُوَ ٱلَّذِى يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبْدِهِۦٓ ءَايَٰتٍۭ بَيِّنَٰتٍ لِّيُخْرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Alle waa kan soo dajiyay aayaad cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, nuurna idiinku bixiyo, Alle na waa idiin naxariis badan yahay.
وَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنفِقُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَا يَسْتَوِى مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ ٱلْفَتْحِ وَقَٰتَلَ أُو۟لَٰٓئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَقَٰتَلُوا۟ وَكُلًّا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Maxaad leedihiin ood wax ugu bixin waydeen jidka Alle isagoo samaawaadka iyo dhulka dhaxalkooda isla leeyahay, ma sinna ruux wax bixiyay maka furashadeedii ka hor oo jahaaday, kuwaasaa ka ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaallamay ka dib, dhammaantoodna Alle wuxuu u yaboohay wanaag, Alle na waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
مَّن ذَا ٱلَّذِى يُقْرِضُ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجْرٌ كَرِيمٌ
Waa kuma kan Alle amaah wanaagsan amaahin (wax bixin) oo markaas uu u laablaabo, ajri wanaagsanna hela.
Rumaynta xaqa iyo daa’imkiisuba waa waajib, saasoo kale jidka Alle oo wax lugu bixiyo iyo jahaadkuba iyana waa waajib, maxaa yeelay cirka, dhulka iyo waxa ku suganba oy xooluhu ka mid yihiin Alle ayaa iska leh, ee dadka waxaa loo siiyay inay wanaag ku falaan, xumaantana ka reebaan. Cabdullaahi binu Shakhiir waxaa laga wariyay inuu yidhi: waxaan u imid Rasuulkii Alle (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) isagoo leh: «waxaa idin shuqliyay wax badsasho, ibnu Aadam wuxuu dhihi: xoolahaygii, oo miyaad ku leedahay xoolahaaga waxaad cunto ood dhammaysato, ama aad xidhato oo duugayso, ama aad sadaqaysato ood hormarsato mooyee? Wixii intaas ka soo hadhay waad ka tagi ood u dhaafi dad». Waxaa wariyay Muslim iyo imaamu Axmad. Markaas waa inaan xaqa rumaynaa waxna bixinnaa illeen Rasuulkii iyo quraanka yaa wanaag inoogu yeedhiye, wax bixinta iyo jahaadka iyo camalkuna isku mid ma aha, ee waa kala tagsan yihiin marka la eego waqtiga iyo dhibaatada, inkastoo guud ahaan ay wanaag tahay, saas daraadeed yaa looga baahan yahay ruuxa mu’minka ah: rumayn xaqa, wax bixin, jahaad iyo camal fiican oo wax tara labada daaroodba.
يَوْمَ تَرَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِم بُشْرَىٰكُمُ ٱلْيَوْمَ جَنَّٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
(Xusuusta) maalinta aad arki mu’miniinta rag iyo haweenba iyagoo nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtooda, waxaana lagu dhihi bishaaraysta maanta, waa jannooyin ay dureeri dhexdooda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn.
يَوْمَ يَقُولُ ٱلْمُنَٰفِقُونَ وَٱلْمُنَٰفِقَٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱنظُرُونَا نَقْتَبِسْ مِن نُّورِكُمْ قِيلَ ٱرْجِعُوا۟ وَرَآءَكُمْ فَٱلْتَمِسُوا۟ نُورًا فَضُرِبَ بَيْنَهُم بِسُورٍ لَّهُۥ بَابٌۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحْمَةُ وَظَٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلْعَذَابُ
Waa maalinta munaafiqiintu rag iyo haweenba ay ku dhihi kuwa xaqa rumeeyay na suga aan ka dhuxul qaadanno nuurkiinnee, waxaana lagu dhihi ku noqda gadaashiinna, waydiistana nuur, markaasaa la yeelaa dhexdooda darbi xaggiisa gudahana naxariis tahay, xaggiisa dibaddana caddibaad tahay.
يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمْ فَتَنتُمْ أَنفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَٱرْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ ٱلْأَمَانِىُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمْرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
Way u dhawaaqi mu’muniinta iyagoo leh miyaannaan idinla jirin, mu’miniintuna waxay ku dhihi: haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen naftiinna, xumaanna waad la sugteen (Nabiga iyo mu’miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) inta amarka Alle ka yimaaddo (geerida) waxaana Alle idinku kadsiiyay kadiye (shaydaan).
فَٱلْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنكُمْ فِدْيَةٌ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ هِىَ مَوْلَىٰكُمْ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Maanta (qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa gaaloobay midna, hoygiinnuna waa naar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun.
Maalintaa waxaa la arki mu’miniinta rag iyo haweenba oo nuur hor socdo looguna bishaarayn wanaag. Munaafiqiintuse waa ka duwan tahay, waxayna la kulmi murug iyo xumaan, waxayna ka codsan mu’miniinta inay sugaan nuurkana wax ka siiyaan, hasa yeeshee daarta aakhiro nuur laguma qaato, waxaase lagu kasbadaa adduunka, ruuxse baloobay, oo xaqa shakiyay, oo yididiila been ah iyo shaydaan ku kadiyay intuu ka dhinto miyaa xoolo isku furasho iyo calaacal wax u tari maalinta qiyaame.
أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ ٱلْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَٰسِقُونَ
Miyayan u dhawaannin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Alle (quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii kitaabka la siiyay horay (yahuud iyo nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin (ka baxay xerada).
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلْـَٔايَٰتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Ogaada in Alle nooleeyo dhulka dhimasho ka dib, waana idiin caddeeynay aayaadka si aad wax u kastaan.
إِنَّ ٱلْمُصَّدِّقِينَ وَٱلْمُصَّدِّقَٰتِ وَأَقْرَضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَٰعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ
Ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta oo Alle na amaah wanaagsan amaahiya (waa sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyhiin ajri sharaf leh.
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦٓ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلصِّدِّيقُونَ وَٱلشُّهَدَآءُ عِندَ رَبِّهِمْ لَهُمْ أَجْرُهُمْ وَنُورُهُمْ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَآ أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْجَحِيمِ
Kuwa rumeeyay Alle iyo Rasuulkiisa kuwaasu waa runbadanayaal, shuhadaduna Alle agtiisa ajri iyo nuur bay ku mudan kuwase gaaloobay beeniyayna aayaadkannaga kuwaasi waa ehelka naarta jaxiimo.
Ma habboona in ruuxa mu’minka ah waqtigu la dheeraado, qalbigiisuna halmaamo xusidda Alle iyo quraankiisa, waxaase habboon inuu Alle ku xidhnaado oosan la mid noqonin gaalada qalbigoodu ingagay ee faasiqiinta ah, isagoo xusuusan nicmooyinka Alle waxna bixin si uu uga helo Alle agtiisa ajri wayn, dhabtuna waxay tahay kuwa Alle rumeeya iyo Rasuulkiisa inay yihiin runlow-yaal, shahiidka xaqa ku dhintayna isagoo gaalada la jahaadi xuquuq-diisana difaaci, wuxuu ka mudan Alle agtiisa sharaf, ajri, iyo nuur. Gaalase iyo kuwa beeniya xaqaba waxay mudan naarta jaxiima. Bukhaari iyo Muslim waxaa ku sugnaaday: «shuhadada arwaaxdoodu waxay ku sugan tahay cunaha shimbiro cagaaran oo jannada ka daaqi meeshey doonto».
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا لَعِبٌ وَلَهْوٌ وَزِينَةٌ وَتَفَاخُرٌۢ بَيْنَكُمْ وَتَكَاثُرٌ فِى ٱلْأَمْوَٰلِ وَٱلْأَوْلَٰدِ كَمَثَلِ غَيْثٍ أَعْجَبَ ٱلْكُفَّارَ نَبَاتُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَكُونُ حُطَٰمًا وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَغْفِرَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنٌ وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلْغُرُورِ
Ogaada in nolosha adduunyadu tahay ciyaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo badsi xoolo iyo carruur, sida roob uu beeraleyda cajab galiyey wuxuu soo bixiyo, markaasna ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur; aakhirana waxaa jira caddibaad daran iyo dambidhaaf xagga Alle ka iman iyo raali ahaansho, nolosha adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi.