قَدْ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوْلَ ٱلَّتِى تُجَٰدِلُكَ فِى زَوْجِهَا وَتَشْتَكِىٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسْمَعُ تَحَاوُرَكُمَآ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ
Alle wuxuu maqlay haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Alle u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Alle na wuu maqlayey doodooda, maxaa yeelay Ilaahay waa ka wax walba maqla oo arka.
ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمْ إِنْ أُمَّهَٰتُهُمْ إِلَّا ٱلَّٰٓـِٔى وَلَدْنَهُمْ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا مِّنَ ٱلْقَوْلِ وَزُورًا وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ
Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been, Ilaahayna waa saamax badane dhaafid badane.
وَٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمْ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُوا۟ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مِّن قَبْلِ أَن يَتَمَآسَّا ذَٰلِكُمْ تُوعَظُونَ بِهِۦ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon hadalkoodii, go’aansanna «haweenkii» u tegiddooda waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay.
فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ مِن قَبْلِ أَن يَتَمَآسَّا فَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ فَإِطْعَامُ سِتِّينَ مِسْكِينًا ذَٰلِكَ لِتُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ وَلِلْكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi laba bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Alle u rumaysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii ilaahay gaalase waxaa u sugnaaday cadaab kulul.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Aayadahanu waxay ku soo degeen haweenay la dhihi jiray Khawlo iyo ninkeedii Aws binu Saamit oo ku yidhi: waxaad igala mid tahay hooyaday oo kale, markaasay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) u timid iyadoo sheegan inay carruur badan leedahay ay doonaysana in ninkeedii lagu celiyo, saasna ay Nabiga hadalka isku celceliyeen. Ilaahay waa maqlaa waana ajiibaa ducada qofka dhibban sida haweenaydaas quraanku ku soo degay. Dhaartaas la soo sheegay waa mid jaahiliintii ku dhaaran jireen muslimiintana way ka reebban tahay waxaana ka waajibi kafaara gud. Caa’isha waxay tidhi: mahad Alle ayaa iska leh wax walbana maqla, waxaa timid haweeneydaas doodaysay anoo guriga dhinac ka mid ah jooga. Hadalkeeda qaaraa aanan maqleyn markaasaa Alle soo dajiyey aayadda. Waxaa wariyey Bukhaari.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُوا۟ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَقَدْ أَنزَلْنَآ ءَايَٰتٍۭ بَيِّنَٰتٍ وَلِلْكَٰفِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ
Kuwa Alle iyo rasuulkiisa khilaafaya waa la dulleeyey sidii loo dulleeyay kuwii ka horreeyey, Alle na wuxuu soo dajiyey aayado cad cad, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab ihaaneeya.
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ أَحْصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ
Maalin buuna ihaanayn ilaahay uu soo bixin dhammaantood, ugana warrami waxay camal faleen, Alle na waa koobay iyana waa hilmaameen, ilahayna wax kasta wuu daalacan (arkaa).
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ مَا يَكُونُ مِن نَّجْوَىٰ ثَلَٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلَا خَمْسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلَآ أَدْنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا۟ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا۟ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay cirka iyo dhulka waxa ku jira, seddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, shantana ilaahay baa lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaahaybaa la jira (oo cilmigiisa ku wehliya) meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga warrami waxay camal faleen maalinta qiyaamo Ilaahayna wax walba waa ogyahay.
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُوا۟ عَنِ ٱلنَّجْوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُوا۟ عَنْهُ وَيَتَنَٰجَوْنَ بِٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ وَمَعْصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوْكَ بِمَا لَمْ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِىٓ أَنفُسِهِمْ لَوْلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُ حَسْبُهُمْ جَهَنَّمُ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo haddana ku noqon waxa laga reebay, kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u yimaadaanna ku salaamaya waxaan Alle ku salaamin oo hoos u dhihi maa Alle nagu cadaabo waxaan ku hadlayno, waxaa ku filan jahannamo oo ay galayaan waana guri xun.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا تَنَٰجَيْتُمْ فَلَا تَتَنَٰجَوْا۟ بِٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ وَمَعْصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَٰجَوْا۟ بِٱلْبِرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِىٓ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Kuwa rumeeyayow markaad faqaysaan ha ku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada Rasuulka ee ku faqa wanaag dhawrsani, Alle na ka yaaba isagaa la isu soo kulmine.
إِنَّمَا ٱلنَّجْوَىٰ مِنَ ٱلشَّيْطَٰنِ لِيَحْزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَيْسَ بِضَآرِّهِمْ شَيْـًٔا إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Faqa xun shaydaan buu ka yimaaddaa suu u walbahaar geliyo kuwa xaqa rumeeyay, waxbase kama dhibo idan Ilaahay mooyee, Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa xaqa rumeeyey.
Tafsiirka aayadaha 5–10
Alle iyo Rasuulkiisa ciddii la colloowda halaag baa u dambayn iyo cadaab daran, maxaa yeelay Alle wax walba waa ogyahay, waana in wanaag lagu faqo een xumaan iyo colnimo lagu faqin, maxaa yeelay ruux kasta Alleheen waa la joogaa waana daalacan, isagaana loo noqon, cid kastana wuxuu ka abaal marin waxay kasbatay, Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): hadday idin salaamaan ehelu kitaabka (gaaladu) dhaha korkiinna ha ahaato (waa saxiix).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا۟ فِى ٱلْمَجَٰلِسِ فَٱفْسَحُوا۟ يَفْسَحِ ٱللَّهُ لَكُمْ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُوا۟ فَٱنشُزُوا۟ يَرْفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ دَرَجَٰتٍ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Kuwa xaqa rumeeyayow haddii la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isu waasiciya, Ilaahay wanaagga ha idiin waasiciyee, marka la idin yiraahdo jihaadka iyo khayrka u degdegana; u degdega Ilaahay wuu koryeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna darajooyin yuu koryeelayaa, Alle na waxa la camal fali waa ogyahay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا نَٰجَيْتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىْ نَجْوَىٰكُمْ صَدَقَةً ذَٰلِكَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَأَطْهَرُ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Kuwa xaqa rumeeyayow markaad Nabiga qaabilaysan hormariya sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiinna nadiifsan, haddaydaan helaynin Alle waa dambi dhaaf badane naxariis badane.
ءَأَشْفَقْتُمْ أَن تُقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىْ نَجْوَىٰكُمْ صَدَقَٰتٍ فَإِذْ لَمْ تَفْعَلُوا۟ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيْكُمْ فَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan sadaqooyin markaad Nabiga la kulmaysaan; haddaydaan saas falin Alle waa idin ka toobad aqbalaye ee salaadda ooga sakadana bixiya Ilaahay iyo Rasuulkiisana adeeca, Alle na waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
Tafsiirka aayadaha 11–13
Dadka xaqa rumeeyey waa inay Ilaahay iyo Nabigiisaba (naxariis iyo nabadgalyaba korkiisa Alle ha yeelee) ay maqlaan, dhexdoodana isu naxariistaan, jihaad ka iyo khayrkana u degdegaan, waxbarashada, salaadda, sakada iyo sadaqadana ay ku dadaalaan si uu Alle abaal gud fiican u siiyo.
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوْا۟ قَوْمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِم مَّا هُم مِّنكُمْ وَلَا مِنْهُمْ وَيَحْلِفُونَ عَلَى ٱلْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa Alle u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma aha iyagana ka mid ma aha (waa munaafiqiinta), waxayna ku dhaaran been iyagoo og.
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Alle wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran, maxaa yeelay wax xun bay falayeen.
ٱتَّخَذُوٓا۟ أَيْمَٰنَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ
Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen dadkana xaqii bay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya.
لَّن تُغْنِىَ عَنْهُمْ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Xoolahooda iyo caruurtoodu wax ugama taraan Alle xaggiisa, waana kuwa ehlu naar ah wayna ku waari.
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًا فَيَحْلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحْلِفُونَ لَكُمْ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ عَلَىٰ شَىْءٍ أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلْكَٰذِبُونَ
Maalinta Alle soo bixiyo dhammaantood way u dhaaran Alle siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja ah) haystaan, waase kuwo beenaalayaal ah.
ٱسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ ٱلشَّيْطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمْ ذِكْرَ ٱللَّهِ أُو۟لَٰٓئِكَ حِزْبُ ٱلشَّيْطَٰنِ أَلَآ إِنَّ حِزْبَ ٱلشَّيْطَٰنِ هُمُ ٱلْخَٰسِرُونَ
Waxaa ka qaalib noqday shaydaan oo hilmaansiiyey xusidda Alle, kuwaasi waa xisbiga shaydaanka, xisbiga shaydaankuna waa kuwa khasaaray.
Tafsiirka aayadaha 14–19
Munaafiqiintu waa colka kuwa xaqa rumeeyey, waxayna had iyo jeer xiriir la yeeshaan gaalada kale ayagoon labada qolo midna ka tirsanayn, kuwaasna Alle wuxuu ugu gooddiyey ciqaab daran, waana beenaalayaal xisbiga shaydaanka ka mid ah, naar iyo khasaarana way la kulmi doonaan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُو۟لَٰٓئِكَ فِى ٱلْأَذَلِّينَ
Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay ka mid noqon kuwa dullooba.