سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Alle nasaha (sharrifa) waxa cirka iyo dhulka ku dhex nool, waana xoog badane falsan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Alle nasaha (sharrifa) waxa cirka iyo dhulka ku dhex nool, waana xoog badane falsan.
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ مِن دِيَٰرِهِمْ لِأَوَّلِ ٱلْحَشْرِ مَا ظَنَنتُمْ أَن يَخْرُجُوا۟ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مَّانِعَتُهُمْ حُصُونُهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَأَتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا۟ وَقَذَفَ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعْبَ يُخْرِبُونَ بُيُوتَهُم بِأَيْدِيهِمْ وَأَيْدِى ٱلْمُؤْمِنِينَ فَٱعْتَبِرُوا۟ يَٰٓأُو۟لِى ٱلْأَبْصَٰرِ
Alle waa kan ka bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu kitaabka ahaa «yuhuud» guryahoodii kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in guryahoodu wax ka celin, markaasaa ciqaabkii Alle uga yimid meel ayan filayn, qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda iyo gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka caqliga leh ha waano qaato.
وَلَوْلَآ أَن كَتَبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمُ ٱلْجَلَآءَ لَعَذَّبَهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا وَلَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابُ ٱلنَّارِ
Haddaan Alle xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi lahaa adduunka, aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَآقُّوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَمَن يُشَآقِّ ٱللَّهَ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen, ruuxii Alle khilaafana ciqaabtiisu waa daran tahay.
مَا قَطَعْتُم مِّن لِّينَةٍ أَوْ تَرَكْتُمُوهَا قَآئِمَةً عَلَىٰٓ أُصُولِهَا فَبِإِذْنِ ٱللَّهِ وَلِيُخْزِىَ ٱلْفَٰسِقِينَ
Wixii aad gooysaan oo geed ah (ee cadawga) ama aad daysaan iyadoo ku taagan salkeeda waa idinka Alle iyo inuu dulleeyo faasiqiinta.
Yuhuuddii magaalada Madiino joogtay yaa Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee) khiyaantay, hase ahaatee waxaa u dambeeyey dulli iyo ciqaab illeen Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey la colloobeen sida caadada yuhuudduba tahay had iyo jeer. Waana in lagu waano qaato xaalkaas jidka toosanna la qaadaa.
وَمَآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنْهُمْ فَمَآ أَوْجَفْتُمْ عَلَيْهِ مِنْ خَيْلٍ وَلَا رِكَابٍ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُۥ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Wixii xoola ah ee Ilaahay Nabiga uga soo celiyo gaalada isagoon fardo iyo awr lagu dagaallamin waxaa amarkiisa leh Nabiga, Alle na cidduu doono yuu ku diraa rasuulladiisa (Nabi Muxammadna kuwan ayuu ku diray), wax walbana Alle waa karaa.
مَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنْ أَهْلِ ٱلْقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَٰمَىٰ وَٱلْمَسَٰكِينِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ كَىْ لَا يَكُونَ دُولَةًۢ بَيْنَ ٱلْأَغْنِيَآءِ مِنكُمْ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمْ عَنْهُ فَٱنتَهُوا۟ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Wixii xoola ah ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda degmooyinka yuhuudda Rasuulkiisa; waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, qaraabada Nabiga, agoonta, masaakiinta iyo musaafiriinta «socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa hodanka ah dhexdooda, wuxuu Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan, Alle na waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay ciqaabtiisu waa daran tahay.
لِلْفُقَرَآءِ ٱلْمُهَٰجِرِينَ ٱلَّذِينَ أُخْرِجُوا۟ مِن دِيَٰرِهِمْ وَأَمْوَٰلِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنًا وَيَنصُرُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّٰدِقُونَ
Waxaa xoolahaas wax ku leh kuwa saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo xoolahoodii dar Alle, waxayna u gargaarayaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda.
Xoolaha gaalada si dagaal la’aan ah uga yimaadda waxaa loo yaqaan «feey» waxaana lagu bixin jidadka khayrka ah ee aayaddu tilmaantay, dadka xaqa rumeeyeyna waxaa ku waajib ah inay maqlaan hadalka Rasuulka «Muxamed» ah (naxariis iyo nabad gelyaba Alle korkiisa ha yeelee) waana in ciqaabta Alle laga dhawrsadaa.
وَٱلَّذِينَ تَبَوَّءُو ٱلدَّارَ وَٱلْإِيمَٰنَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِى صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّآ أُوتُوا۟ وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Kuwii madiino deganaa ee xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroon, wax necbaansho ahna laabta uma geliyaan dadkaas waxa la siiyay, waxayna naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo ha haysee, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa mid liibaanay.
وَٱلَّذِينَ جَآءُو مِنۢ بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلْإِيمَٰنِ وَلَا تَجْعَلْ فِى قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Kuwa imaan asxaabta Nabiga ka dib waxay Alle weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi ugu yeelin kuwa rumeeyey Allow waxaad tahay naxariis badane.
Ansaartii Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee) waxay ahaayeen duul la yaab leh, siday u jeclaayeen una taakuleeyeen muslimiintii soo hijrootay ee Maka ka soo qaxay Alle dartiis, iyagana naftooda uga doori jireen (Alle ha ka raalli noqdee) kuwa xaqa rumeeyey ee dib ka imaan waa inay jeclaadaan muslimiinta ka horreysay uguna duceeyaan dambi dhaaf iyo khayr illeen dadaal badan bay islaamka u sameeyeene. Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): dulmi iska jira waa mugdiga qiyaame, bakhaylnimana iska jira iyadaa halaagtay kuwii idinka horeeyeye. Waxaa wariyey Muslim.
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نَافَقُوا۟ يَقُولُونَ لِإِخْوَٰنِهِمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ لَئِنْ أُخْرِجْتُمْ لَنَخْرُجَنَّ مَعَكُمْ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمْ أَحَدًا أَبَدًا وَإِن قُوتِلْتُمْ لَنَنصُرَنَّكُمْ وَٱللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَٰذِبُونَ
Ma ogtahay in kuwii munaafiqiinta ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee yuhuudda ahaa haddii laydin bixiyo waan idinla jiraynaa cid aan idiin maqlaynana ma jirto waligeed, haddii laydinla dagaallamana waan idiin gargaaraynaa, Ilaahayna waa ogyahay inay beenaalayaal yihiin.
لَئِنْ أُخْرِجُوا۟ لَا يَخْرُجُونَ مَعَهُمْ وَلَئِن قُوتِلُوا۟ لَا يَنصُرُونَهُمْ وَلَئِن نَّصَرُوهُمْ لَيُوَلُّنَّ ٱلْأَدْبَٰرَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ
Haddii la bixiyo yuhuuddda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan hadday isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana gargaarayo.
لَأَنتُمْ أَشَدُّ رَهْبَةً فِى صُدُورِهِم مِّنَ ٱللَّهِ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ
Mu’miniinta yey uga cabsi badan yihiin yuhuuddu Ilaahay, maxaa yeelay waa dad aan wax garad ahayn.
لَا يُقَٰتِلُونَكُمْ جَمِيعًا إِلَّا فِى قُرًى مُّحَصَّنَةٍ أَوْ مِن وَرَآءِ جُدُرٍۭ بَأْسُهُم بَيْنَهُمْ شَدِيدٌ تَحْسَبُهُمْ جَمِيعًا وَقُلُوبُهُمْ شَتَّىٰ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْقِلُونَ
Kuwa xaqa rumeeyeyna lama dagaallami karaan «dhufaysyo iyo gidaarro dhexdood mooyee» dhibka dhexdooda ahna waa daran yahay, waxaad mooddaa inay wada jiraan, quluubtooduna waa kala tagsan tahay, maxaa yeelay waa dad aan wax kasayn.
Munaafiq had iyo jeer wuxuu la joogaa dhibka muslimiinta. Munaafiqiintii Madiino joogayna waxay gacan siin jireen yuhuudda oo ay ka dhigan jireen sokeeye labada qolobana waxay ahaayeen, yihiinna had iyo jeer colka diinta islaamka, waana laga adkaan haddii dad toosan oo xaqa rumeeyey la helo. Maxaa yeelay waa wax ma garad.
كَمَثَلِ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ قَرِيبًا ذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii camalkooda, cadaab daranna u sugnaaday.
كَمَثَلِ ٱلشَّيْطَٰنِ إِذْ قَالَ لِلْإِنسَٰنِ ٱكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّنكَ إِنِّىٓ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Waxay la mid yihiin shaydaan markuu qof ku yidhi gaalow, markuu gaaloobana ku yidhaah bari baan kaa ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheegta inuu Ilaahay ka yaabi.
فَكَانَ عَٰقِبَتَهُمَآ أَنَّهُمَا فِى ٱلنَّارِ خَٰلِدَيْنِ فِيهَا وَذَٰلِكَ جَزَٰٓؤُا۟ ٱلظَّٰلِمِينَ
Markaasay labadooduba cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana saasaa lagu abaal mariyaa.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلْتَنظُرْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ لِغَدٍ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inay Alle ka dhawrsadaan, nafwalbana waa inay eegtaa waxay u hormarsatay barri (qiyaamaha) Alle na ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye.
Kibir iyo islaweyni wax ma tarto, aaway kuwii iskibriyey ee beeniyey Nabiyadii ka horreeysay Nabi (Muxamed) (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Alle ha yeelee), gaaladuna waxbay dhumiyaan sida shaydaanka, ciddii wax dhumisa iyo midda la dhumiyaba waxay cidhibtoodu noqon khasaare iyo naar.
وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ نَسُوا۟ ٱللَّهَ فَأَنسَىٰهُمْ أَنفُسَهُمْ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَٰسِقُونَ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Alle hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda, waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday).
لَا يَسْتَوِىٓ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ وَأَصْحَٰبُ ٱلْجَنَّةِ أَصْحَٰبُ ٱلْجَنَّةِ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ
Ma eka ahlu naarka iyo ahlu jannaha, ahlu jannuhu waa kuwa liibaanay.