ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ
Mahad Alle ayaa iska leh ahna kan abuuray samooyinka iyo dhulka, yeelayna mugdiyada iyo nuurka, kuwa gaaloobayse Rabbigood yey wax la simi (la caabudi).
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن طِينٍ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلًا وَأَجَلٌ مُّسَمًّى عِندَهُۥ ثُمَّ أَنتُمْ تَمْتَرُونَ
Alle waa kan idinka abuuray dhoobo markaas xukumay ajal (muddo), ajal magacaaban yaana agtiisa ah, idinkuse gaalooy waad shakisan tihiin.
وَهُوَ ٱللَّهُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِى ٱلْأَرْضِ يَعْلَمُ سِرَّكُمْ وَجَهْرَكُمْ وَيَعْلَمُ مَا تَكْسِبُونَ
Alle waa ka ay caabudaan samooyinka waxa ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan, wuxuuna og yahay qarsoodigiinna iyo muujiskiinna, wuxuuna og yahay, waxaad kasbanaysaan.
Tafsiirka aayadaha 1–3
Alleheen wuxuu ku billaabay suuraddan ammaantiisa iyo siduu u abuurey cirka iyo dhulka, iyo mugdiga iyo nuurka, dadkana ka ahaysiiyey dhoobo «aabahood aadan», muddana u yeelay, mana habboona in wax lala caabudo, ama la shakiyo, waana Ilaaha xaqa ah ee cirka waxa ku sugan iyo llaaha xaqa ah ee dhulka waxa ku sugan, ogna qarsoodiga dadka iyo muujiskooda iyo waxay kasban ba. Waxayna aayaduhu adkayn ilaahnimada Alle iyo awooddiisa iyo xaqnimadiisa mudan yahayna mahad, cibaado iyo raacidda sharcigiisa.
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ مِّنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ
Aayaddii u timaadda oo aayadaha Allehaa ka mid ah way ka jeedsadaan.
فَقَدْ كَذَّبُوا۟ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ فَسَوْفَ يَأْتِيهِمْ أَنۢبَٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Waxayna dhab u beeniyeen xaqii markuu u yimid waxaase u imaan doona (cidhibta) warkay ku jees jeesayeen.
أَلَمْ يَرَوْا۟ كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ مَّكَّنَّٰهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مَا لَمْ نُمَكِّن لَّكُمْ وَأَرْسَلْنَا ٱلسَّمَآءَ عَلَيْهِم مِّدْرَارًا وَجَعَلْنَا ٱلْأَنْهَٰرَ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمْ فَأَهْلَكْنَٰهُم بِذُنُوبِهِمْ وَأَنشَأْنَا مِنۢ بَعْدِهِمْ قَرْنًا ءَاخَرِينَ
Miyeyna arkayn intaan halaagnay hortood (wax badan) oo qarniyo ah, oon ku makaninnay (siinnay) dhulka waxaannaan idin makanin (siinnin) waxaan uga soo deynay samada (roob) darar ah, waxaana ka yeellay wabiyada kuwo socda dhexdooda, waanse halaagnay dambigooda dartiis waxaanna ahaysiinnay gadaashood qarni kale.
Tafsiirka aayadaha 4–6
Aayadahani waxay ka warrami madax adaygga gaalada oo mar kastoo ay u timaaddo mucjisad beeniya oo xaqa ka jeedsada, waxayse la kulmi doonaan ciqaabta madax adaygoodaas, maxaa yeelay hortood wax badan baa la halaagay kuwo ka xoog badan oo loo barwaaqeeyey, kuwa kalana lagu baddalay, taasina waxay ku tusin inaan cidna isku hallayn awood, illeen wax kastaba Alle ayaa ka awood badane, oo ka yeelay dad wax isbidayey sheeko iyo meel madhan, iyo raad cidla ah.
وَلَوْ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ كِتَٰبًا فِى قِرْطَاسٍ فَلَمَسُوهُ بِأَيْدِيهِمْ لَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Haddaan kugu soo dejinno Nabiyow kitaab qoran oo ay ku taabtaan gacmahooda waxay odhan kuwii gaaloobay kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
وَقَالُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ مَلَكٌ وَلَوْ أَنزَلْنَا مَلَكًا لَّقُضِىَ ٱلْأَمْرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ
Waxayna dhihi maa lagu soo dejiyo malag, haddaan soo dejinno malagna waxaa la dhammayn lahaa amarka (halaagga) lamana sugeen.
وَلَوْ جَعَلْنَٰهُ مَلَكًا لَّجَعَلْنَٰهُ رَجُلًا وَلَلَبَسْنَا عَلَيْهِم مَّا يَلْبِسُونَ
Haddaan ka yeello malagna waxaan ka yeeli lahayn nin, markaasaan iskaga dari lahayn xaalka siday isaga dari jireen.
وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُوا۟ مِنْهُم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Waxaa dhab ahaan loogu jeesjeesay rasuullo kaa horreeyey waxaana kuwii jees jeesay ku dhacay (ciqaabti) waxay ku jees jeeseen.
قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ ٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ
Waxaad dhahdaa ku socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyeyaasha xaqa.
Tafsiirka aayadaha 7–11
Aayadahan wuxuu Alle kaga warrami madax adaygga gaalada iyo in si kastoo xaqa loo tuso ay diidi kana jeedsan, waxayna dooni in malag lagu soo dejiyo, haddii lagu soo dejiyana waxaa loo yeeli lahaa suuro dad inay arkaan, markaasay haddana diidi lahaayeen, waxaana shaqadooda ka mid ah jees jees iyo isla weyni, waxayse noqotaa cidhibta jees-jeesaha ciqaab iyo halaag ee dhulka mar si aad u ogaato waxa ku dhacay gaaladaas xaqa beeniyey, waxaase habboon rumaynta xaqa iyo raaciddiisa iyo ka fogaanta xumaanta iyo xaqqdiidka iyo isla waynida.
قُل لِّمَن مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ قُل لِّلَّهِ كَتَبَ عَلَىٰ نَفْسِهِ ٱلرَّحْمَةَ لَيَجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Waxaad dhahdaa yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dheh Alle, wuxuuna isa saaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta qiyaame shakina ma leh, kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan.
وَلَهُۥ مَا سَكَنَ فِى ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Alle waxaa u sugnaaday waxa xasila habbenkii iyo maalintiiba waana maqle oge ah.
قُلْ أَغَيْرَ ٱللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيًّا فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ يُطْعِمُ وَلَا يُطْعَمُ قُلْ إِنِّىٓ أُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَسْلَمَ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
Waxaad dhahdaa ma wax Alle ka soo hadhay yaan ka yeelan wali (la caabudo), isagoo Allana ah kan abuuray samooyinka iyo dhulka isagaana wax quudiya lamase quudiyo, waxaad dhahdaa waxaa lay faray inaan noqdo kan ugu horreeya cid islaanta (hogaansanta ummaddan) oonan ka mid noqonninna mushrikiinta.
قُلْ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay cadaab maalin wayn.
مَّن يُصْرَفْ عَنْهُ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمَهُۥ وَذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْمُبِينُ
Ciddii laga iilo cadaabka maalintaas wuu u naxariistay Alle, taasina waa liibaanta cad.
Tafsiirka aayadaha 12–16
Ilaaheen wuxuu nooga warrami inuu leeyahay xukunka cirka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya iyo in naxariistiisu badan tahay, siduu xadiith qudsi ah ku yidhi: naxariistaydaa ka badan cadhadayda, isagaana dadka u soo kulmin qiyaamaha shaki la’aan, ciddii khasaarisay nafteedase ma rumayso, waxa xasila habeenka iyo dharaarta iyo waxa dhaq-dhaqaaqana Alle ayaa iska leh, waana maqle oge ah, wax xaq lagu caabudo oon isaga ahayna ma jiro, waana quudiye aan la quudinnin, waana in loo hoggaansamo, gaaladana laga fogaado illeen cadaab maalin wayn yaa jirta ciddii laga ilaaliyana uu liibaanaye.
وَإِن يَمْسَسْكَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَ وَإِن يَمْسَسْكَ بِخَيْرٍ فَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Hadduu ku taabsiiyo Alle dhib wax faydi ma jiro isaga mooyee hadduu ku taabsiiyo khayrna isagaa wax walba kara.
وَهُوَ ٱلْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِۦ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْخَبِيرُ
Waana ka adkaadaha addoomadiisa korkooda waana falsame xeel dheer.
قُلْ أَىُّ شَىْءٍ أَكْبَرُ شَهَٰدَةً قُلِ ٱللَّهُ شَهِيدٌۢ بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَأُوحِىَ إِلَىَّ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانُ لِأُنذِرَكُم بِهِۦ وَمَنۢ بَلَغَ أَئِنَّكُمْ لَتَشْهَدُونَ أَنَّ مَعَ ٱللَّهِ ءَالِهَةً أُخْرَىٰ قُل لَّآ أَشْهَدُ قُلْ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ وَإِنَّنِى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تُشْرِكُونَ
Waxaad dhahdaa yaa ugu wayn marag waxaad dhahdaa Alle ayaa maragga dhexdeenna ah, waxaana lay waxyooday quraankan inaan idiinku digo idinka iyo cidduu gaadho, idinku ma waxaad marag furaysaan inay Alle la jiraan ilaahyo kale, waxaad dhahdaa ma marag furayo (saas), waxaad dhahdaa Alle waa macbuudka kali ah ee cibaada naga mudan. Anuguna waxaan ka bari ahay waxaad la wadaajinaysaan.
ٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَٰهُمُ ٱلْكِتَٰبَ يَعْرِفُونَهُۥ كَمَا يَعْرِفُونَ أَبْنَآءَهُمُ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Kuwaan siinnay kitaabka waxay u yaqaannaan Nabiga (xaqnimadiisa) siday u yaqaannaan caruurtooda, kuwa khasaariyey naftoodana ma rumeeyaan (xaqa).