تَبَٰرَكَ ٱلَّذِى بِيَدِهِ ٱلْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Allaha xukunku iyo hanashada caalamku gacantiisa ku jiro ee wax walbana kara.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
تَبَٰرَكَ ٱلَّذِى بِيَدِهِ ٱلْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Allaha xukunku iyo hanashada caalamku gacantiisa ku jiro ee wax walbana kara.
ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْمَوْتَ وَٱلْحَيَوٰةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفُورُ
Allaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna camal fiican, Alle na waa adkaade dambidhaafe ah.
ٱلَّذِى خَلَقَ سَبْعَ سَمَٰوَٰتٍ طِبَاقًا مَّا تَرَىٰ فِى خَلْقِ ٱلرَّحْمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٍ فَٱرْجِعِ ٱلْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُورٍ
Alle waa midka abuuray toddobo samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Allaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
ثُمَّ ٱرْجِعِ ٱلْبَصَرَ كَرَّتَيْنِ يَنقَلِبْ إِلَيْكَ ٱلْبَصَرُ خَاسِئًا وَهُوَ حَسِيرٌ
Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhibban daallanna.
وَلَقَدْ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلْنَٰهَا رُجُومًا لِّلشَّيَٰطِينِ وَأَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
Alle wuxuu ku qurxiyey samada dhow nalal (xiddigaha) wuxuuna ka dhigay xiddigahaas kuwo lagu gano shayaadiinta, wuxuuna Alle u diyaariyay kuwaas naarta saciiro.
Alle khayrkiisu waa badan yahay wax walbana awooddiisay ku hoos jiraan wax walbana wuu karaa, dadkana waxaa loo abuuray in la imtixaano kooda camal aakhiro iyo kan aduunkaba wanaajiya, Alle abuuriddiisa uu cirka abuurayna wax dhaliil ah loo heli maayo sida khalqigiisa kalaba, xiddigahana Alle ayaa abuuray iyagoo nalal u ah cirka, shayaadiintana lagu eryo, Allaha awooddaas leh waa in la caabudo, jidka uu farayna lagu socdaa. Rasuulkuna waxaa laga weriyay inuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) Alle wuxuu ku dulleeyey banii aadmaka geeri, wuxuuna ka yeelay adduunka guri nolol iyo geeri, kana yeelay aakhirana guri abaalmarin iyo waarid. Waxaa wariyey Ibnu abii Xaatim.
وَلِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Kuwa ka gaaloobay Rabbigood waxaa u sugnaaday caddibaadda jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
إِذَآ أُلْقُوا۟ فِيهَا سَمِعُوا۟ لَهَا شَهِيقًا وَهِىَ تَفُورُ
Marka gaalada lagu tuuro naarta waxay ka maqli cod xun oo daran iyadoo karaysa.
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلْغَيْظِ كُلَّمَآ أُلْقِىَ فِيهَا فَوْجٌ سَأَلَهُمْ خَزَنَتُهَآ أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَذِيرٌ
Waxay u dhawdahay inay cadha daraaddeed la kala dillaacdo, marka koox (gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada malaa’igta naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaannin wax idiin diga.
قَالُوا۟ بَلَىٰ قَدْ جَآءَنَا نَذِيرٌ فَكَذَّبْنَا وَقُلْنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ كَبِيرٍ
Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninnay, annagoo leh ma soo dejinnin Alle waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.
وَقَالُوا۟ لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno naarta saciiro ehelkeeda ma aannaan noqonneen.
فَٱعْتَرَفُوا۟ بِذَنۢبِهِمْ فَسُحْقًا لِّأَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Waxay qirteen (gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho naarta saciiro ehelkeeda.
Xaq diidayaashu waxay geli naar daran oo karaysay qaylana leh, malaa’igtuna si canaan iyo guulguul ah yey u warsataa in rasuul u diga loo soo diray iyo in kale, iyaguna way qirtaan in rasuul loo soo diray ayse beeniyeen xaqiina diideen, wayna calaacaleen iyagoo leh haddaan wax kasayno naar ma aannan galleen, saas daraaddeed waa in Alle laga yaabo laguna waano qaato arrintaas. Waxaa sugnaaday: dadka lama halaago intay naftoodu ka garaabaan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwa Alle ka yaaba iyagoon la arkaynin (Alle mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.
وَأَسِرُّوا۟ قَوْلَكُمْ أَوِ ٱجْهَرُوا۟ بِهِۦٓ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Ama hadalka hoos u dhiga dadow ama kor u qaada Alle waa ogyahay waxa laabta ku jira.
أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلْخَبِيرُ
Ma waxaan wax ogeyn Allaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.
هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ ذَلُولًا فَٱمْشُوا۟ فِى مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا۟ مِن رِّزْقِهِۦ وَإِلَيْهِ ٱلنُّشُورُ
Alle waa kan dhulka ka dhigay mid laylyan, ee ku socda waddooyinkiisa kana cuna quudkiisa Alle ayaana dadka loo soo kulmin (qiyaamada).
ءَأَمِنتُم مَّن فِى ٱلسَّمَآءِ أَن يَخْسِفَ بِكُمُ ٱلْأَرْضَ فَإِذَا هِىَ تَمُورُ
Miyaad ka aamin noqoteen Allaha sare inuu dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo.
أَمْ أَمِنتُم مَّن فِى ٱلسَّمَآءِ أَن يُرْسِلَ عَلَيْكُمْ حَاصِبًا فَسَتَعْلَمُونَ كَيْفَ نَذِيرِ
Miyaadse ka aamin noqoteen Allaha sare inuu dhagaxyo naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digniinta Alle cidhibteeda.
وَلَقَدْ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
Waxaa Alle beeniyey gaaladii (reer makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd ciqaabti Alle.
Dadka Alle dhabnima u rumeeyey way caabudi kana dhoowrsan xumaanta iyagoon arkaynin ama dad ha la joogeen ama keli ha ahaadeene. Alle na wuxuu ku abaal marin dambi dhaafkiisa, Allaha wax walba og ee dhulka laylyey ee qiyaamada loo soo kulmi miyaa ciqaabtiisa cidna ka aamin noqon kartaa, dadka xun iyo gaaladaba waxa u caada ah inay Alle beeniyaan, waxaase ku dhici ciqaabta Alle, waxaana ka nabad geli ruuxii waddada Alle qaada. Toddobada Alle hadheeyo maalinta qiyaame waxaa ka mid ah kuwa Alle ka yaaba iyo kuwa xusuusta iyagoo kali ah indhahooduna ilmeeyaan. (Waa saxiix).
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلطَّيْرِ فَوْقَهُمْ صَٰٓفَّٰتٍ وَيَقْبِضْنَ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحْمَٰنُ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍۭ بَصِيرٌ
Miyeyna dadku arkaynin shimbiraha korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Allaha Raxmaan ahaynna uusan jirin, Alle na wax walba wuu arkaa.
أَمَّنْ هَٰذَا ٱلَّذِى هُوَ جُندٌ لَّكُمْ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحْمَٰنِ إِنِ ٱلْكَٰفِرُونَ إِلَّا فِى غُرُورٍ
Waa kuma gargaaraha Allaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari gaalada, gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.