نٓ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ
Alle wuxuu ku dhaartay qalinka iyo waxa malaa’igtu qorayso (camalka dadka).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
نٓ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ
Alle wuxuu ku dhaartay qalinka iyo waxa malaa’igtu qorayso (camalka dadka).
مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍ
Ee Nabiyow nicmada Alle darteed lama waallid.
وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍ
Waxaana kuu sugnaaday ajri aan go’ayn.
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ
Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.
فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ
Waad arki doontaa Nabiyow gaaladuna way arki doonaan.
بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ
Kiinna waalan (ama la caddibo).
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ
Rabbigaa waa ogyahay cidda ka dhunta jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ
Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (warkooda).
وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ
Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo aad ku waafaqdo waxyaabaha qaar) iyana kuu soo iishaan.
وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ
Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.
هَمَّازٍ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍ
Oo xanlow ah, isku diraa ah.
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Khayrka iyo xoolahana reeba, gardarrow iyo dambiile ah.
عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
Xumaantana ku madax adag isku dhejisna ah (xumaanlow ah).
أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ
Inuu xoolo iyo wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Marka quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ
Wuxuuse Alle ka calaamayn sanqaroorka.
Alle Nabiga wuxuu ugu nicmeeyey ajri weligii socda, iyo akhlaaq wanaagsan, dadkuna iskuma qasna Alle agtiisa, cid walba mid toosan iyo mid dhunsan, weligaana ha maqlin warka ruuxa xanlowga ah, beenlowga ah, isku diraaga ah, xumaan jecaylka ah. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) waxay ahayd dabeecadiisu quraanka siday Caa’isha sheegtay. Wuxuuna yidhi: jannada ma galo namiimiye.
إِنَّا بَلَوْنَٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ
Alle wuu imtixaanay gaaladii (reer makaad) sidii loo imtixaanay kuwii beerta markay ku dhaarteen inay aroortii goostaan.
وَلَا يَسْتَثْنُونَ
Iyagoon dhihin haddii Alle idmo.
فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ
Waxaase beertii xagga Alle uga yimid amar iyagoo hurda.
فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ
Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.