ٱلْحَآقَّةُ
Maalinta xaaqo (qiyaamadu waa wax sugan).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱلْحَآقَّةُ
Maalinta xaaqo (qiyaamadu waa wax sugan).
مَا ٱلْحَآقَّةُ
Xaaqo maxay tahay.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ
Maxaa ku ogeysiiyey xaaqo waxa ay tahay?
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ
Waxaa beeniyeen reer «Thamuud» iyo «Caadba» qiyaamada.
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ
Thamuudse waxaa lagu halligay qaylo daran.
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ
Caadna waxaa lagu halligay dabayl daran oo qabow.
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ
Oo lagu diray korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo israacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid timir (dogob dhacay).
فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ
Wax ka hadhay miyaad aragtaa.
وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ
Waxaa la yimid falkii danbiga ahaa: Fircoon iyo kuwii ka horreeyay iyo kuwii tuulooyinkooda la daba geddiyey (Nabi Luud qoomkiisii).
فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً
Waxay caasiyeen rusushii Rabbigood markaasuu si daran u qabtay.
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ
Markay biyihii xad dhaafeen (waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (awoowyaalkiin) doontii.
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ
Si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
Qiyaamadu waa xaq sugan, ciddii xoog isbiddana oo xaqa iyo qiyaamada beenisana Alle ayaa ka awood badan, sida aayadahani noo caddeeyeen, sida qoomkii Nabi Saalax, Nabi Huud, Nabi Luud, Nabi Nuux iyo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey. Waana in lagu waana qaato arrintaas, xumaanta xaq diidnimada iyo kibirkana la iska jiro waa sababaha halaaggee. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): waxaa laygu gargaaray (dabaysha) saba, ree Caadna waxaa lagu halaagay (dabaysha) dabuur.
فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ
Marka suurka la afuufo hal mar.
وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً
Dhulka iyo buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Maalintaasay qiyaamadu dhacaysaa.
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ
Samaduna maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَٰنِيَةٌ
Malaa’igtuna cirka gaararkiisa yey ahaan maalintaas, carshiga Alle na waxaa dadka korkiisa ku xambaari maalintaas siddeed malag.
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Alle wax xaggooda kaga qarsoonna ma jiro.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَٰبِيَهْ
Ruuxiise kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya kitaabkayga.
إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَٰقٍ حِسَابِيَهْ
Waxaan yaqiinsanaa (adduunka) inaan la kulmi xisaabtayda.