الٓمٓصٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓصٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka).
كِتَٰبٌ أُنزِلَ إِلَيْكَ فَلَا يَكُن فِى صَدْرِكَ حَرَجٌ مِّنْهُ لِتُنذِرَ بِهِۦ وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
Kani waa kitaab aannu kuu soo dejinnay ee yeyna laabtaada dhibi (cidhiidhi) ahaan, si aad ugu digto (gaalada), waana waanada mu’miniinta.
ٱتَّبِعُوا۟ مَآ أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
Raaca waxa laydiinka soo dejiyey xagga Alle, hana raacina wax ka soo hadhay oo awliyo ah (gargaara ah), yaraana intaad waantoobaysaan.
وَكَم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَٰهَا فَجَآءَهَا بَأْسُنَا بَيَٰتًا أَوْ هُمْ قَآئِلُونَ
Badanaa intaan magaalo halaagnay oo u timid ciqaabtannadii iyadoo jiifta (habeen) ama qayluushan (maalin).
فَمَا كَانَ دَعْوَىٰهُمْ إِذْ جَآءَهُم بَأْسُنَآ إِلَّآ أَن قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Baryadoodu (qayladooduna) markuu u yimid halaaggannagu ma ahayn waxaan ahayn inay dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
فَلَنَسْـَٔلَنَّ ٱلَّذِينَ أُرْسِلَ إِلَيْهِمْ وَلَنَسْـَٔلَنَّ ٱلْمُرْسَلِينَ
Waana warsanaynaa kuwii loo diray (ummadihii waxay ku jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la diray (rasuulladii inay gaadhsiiyeen).
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيْهِم بِعِلْمٍ وَمَا كُنَّا غَآئِبِينَ
Waana uga warramaynaa ogaansho, mana aannaan ka maqnayn.
Kitaabka quraanka ah waa kitaab xaq ah oo Nabiga lagu soo dejiyey si uu dadka ugu digo, mana aha inuu cidhiidhi ku galo, waana waanada mu’miniinta, waana in la raaco quraankan Alle soo dejiyey, mana aha in la raaco xukun Alle xukunkiisa ka soo hadhay, wax waano qaadanna waa yar yahay. Immisaa la halaagay magaalo goor habeena ama maalin, markaasna ku qaylyeen inay daalimiin ahaayeen, Alle na wuu warsan umadaha waxay ugu jawaabeen Nabiyada, rasuulladana waxaa la warsan inay gaadhsiiyeen xaqii, Alle na wax walba waa og yahay wax ka qarsoonna ma jiro illeen Alle inagama maqnee, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: dhammaantiin waxaad tihiin ilaaliye dhammaantiinna waa laydin warsan.
وَٱلْوَزْنُ يَوْمَئِذٍ ٱلْحَقُّ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Miisaanku waa xaq maalintaas (qiyaamada) cidday cuslaato miisaankiisa (fiican) kuwaasu waa uun kuwa liibaanay.
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُم بِمَا كَانُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا يَظْلِمُونَ
Cidduu fududaado miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa khasaariyey naftooda, dulmigay ku falayeen aayaadkanaga dartiis.
وَلَقَدْ مَكَّنَّٰكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَٰيِشَ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Waxaan idin makaninnay dhulka, waxaanna idiinka yeellay meel lagu noolaado, waxaase yar intaad shukriyeysaan.
وَلَقَدْ خَلَقْنَٰكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَٰكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ لَمْ يَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
Waan idin abuurray (Nabi Aadan) waana idin suuraynay, markaasaan ku nidhi malaa’igta u sujuuda (Nabi) Aadam (salaan) wayna sujuudeen, ibliis se kama mid ahayn kuwa sujuuda.
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ قَالَ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِى مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُۥ مِن طِينٍ
Wuxuu yidhi (Alle): maxaa kaa reebay inaad sujuuddo markaan ku faray, wuxuu yidhi anaa ka khayr roon, waxaad iga abuurtay dab isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.
Alle wa caadil, wuxuuna oogi qiyaamada miisaan xaq ah, ciddii khayrkeedu badnaadana waa liibaantay, tii khayrkeedu yaraadana way khasaartay isagaana dulmi falay, markaasuu Alle xusuusiyey addoomadiisa siduu ugu nicmeeyey, dhulkana ugu sugay una makaniyey, wayse shukri yar yihiin, markaasuu haddana xusuusiyey siduu u sharrifay aabahood Nabi Aadam, malaa’igtana u faray inay qaddariso, wayna yeeleen oo faleen wuxuu Alle faray, ibliis se isagu wuu diiday inuu wayneeyo Nabi Aadam, wuuna xasday wuxuuna sheegay inuu isagu ka fiican yahay, illeen dab baa laga abuuray, Nabi Aadamna dhoobee, waana qiyaas beena oo xun. Cid kastoo nasab, dhalasho, iyo asal si xun ugu faanta oo xaqa ku diiddana ibliis baa bare iyo hoggaamiye u ah, dadkuna waxay ku kala fiican yihiin Alle ka yaabid, wanaagga, sharafta iyo akhlaaqda fiican ee wax tarka ah, mase aha waxaan ahay hebel.
قَالَ فَٱهْبِطْ مِنْهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَٱخْرُجْ إِنَّكَ مِنَ ٱلصَّٰغِرِينَ
Wuxuu yidhi (Alle) ka dego xaggeeda (jannada) xaq uma lihid inaad isku dhex kibriside, bax waxaad ka mid tahay kuwa dullaysane.
قَالَ أَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Wuxuu yidhi ii sug tan iyo maalinta la soo bixin
قَالَ إِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ
Wuxuu yidhi (Alle) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
قَالَ فَبِمَآ أَغْوَيْتَنِى لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَٰطَكَ ٱلْمُسْتَقِيمَ
Wuxuu yidhi i baadiyeyntaada darteed waxaan u fadhiisan jidkaaga toosan (waan dhumin).
ثُمَّ لَـَٔاتِيَنَّهُم مِّنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ وَعَنْ أَيْمَٰنِهِمْ وَعَن شَمَآئِلِهِمْ وَلَا تَجِدُ أَكْثَرَهُمْ شَٰكِرِينَ
Waxaanna kaga iman hortooda, gadaashooda, midigta iyo bidixda mana helaysid badankooda oo shugriyi.
قَالَ ٱخْرُجْ مِنْهَا مَذْءُومًا مَّدْحُورًا لَّمَن تَبِعَكَ مِنْهُمْ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمْ أَجْمَعِينَ
Wuxuu yidhi Alle ka bax xaggeeda adoo caayan oo la dheereeyey, ciddii ku raacdana waxaa laga buuxin jahannamo dhammaantiin.
Alle wuxuu amray ibliis inuu ka baxo jannada Alle agteeda, illeen kuma habboona Alle agtiisa isku kibrine, wuxuuna faray inuu baxo isagoo dullaysan, wuxuuse Alle warsaday in la sugo tan iyo qiyaamada, wuxuuna u ballanqaaday in la sugi tan iyo maalintaas, wuxuuna ku dhaartay ibliis inuu dhumiyo dadka kana leexiyo jidka toosan, dhan walbana uga imaan, una qurxin adduunka, wuxuuna Alle ugu jawaabay bax adoo ceeb leh oo caayan lana fogeeyey, jahannamana laydinka buuxin adiga iyo inta ku racdaba. Ibliisna saasuu col ugu yahay dadka ayna waajib tahay in laga digtoonaado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: shaydaan wuxuu u fadhiistay dadka jidka wuxuuna ka reebay islaamidda, hijrada, iyo jahaadka wayna khilaafeen oo faleen khayrkii, ciddii saas yeesha oo si kasta u dhimata jannaday gali. Waxaana wariyey Imaamu Axmed.
وَيَٰٓـَٔادَمُ ٱسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ ٱلْجَنَّةَ فَكُلَا مِنْ حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Nabi Aadamow dega adiga iyo haweenaydaadu jannada, kana cuna meeshaad doontaan, hana u dhawaannina geedkan, ood noqotaan daalimiin.
فَوَسْوَسَ لَهُمَا ٱلشَّيْطَٰنُ لِيُبْدِىَ لَهُمَا مَا وُۥرِىَ عَنْهُمَا مِن سَوْءَٰتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَىٰكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةِ إِلَّآ أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ ٱلْخَٰلِدِينَ
Waxaana waswaasiyey shaydaan, inuu ka muujiyo xaggooda wixii laga asturay oo cawradooda ah, wuxuuna yidhi wuxuu idinka reebay Rabbigiin geedkan inaydaan noqonnin malaa’ig, ama aydaan waarin.