سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
Midbaa wuxuu Alle warsaday in caddibaad ku dhacda gaalada (loo soo dedejiyo, iyadoo ay jeesjees ka tahay).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
Midbaa wuxuu Alle warsaday in caddibaad ku dhacda gaalada (loo soo dedejiyo, iyadoo ay jeesjees ka tahay).
لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ
Caddibaadaasna wax gaaalada ka celin ma jiro.
مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ
Waxayna ka imaan caddibaaddaasu Allaha sarraynta iyo sharafta u saaxiiba.
تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ
Ee malaa’igta kale iyo Jibriilba u koraan maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا
Ee Nabiyow samir samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا
Gaaladu waxay caddibaadda u arkaan inay fog tahay.
وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay.
يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ
Caddibaaddaasu waxay dhici maalinta cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ
Buuruhuna ay noqon suuf (la tifay oo kale).
وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
يُبَصَّرُونَهُمْ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ
Wayna is arkayaan (qaraabadu), dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto maalintaas caddibaaddeeda carruurtiisa.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
Haweenaydiisa, walaalkiis.
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ
Iyo qaraabadiisii soo dhawaynaysay.
وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ
Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaa uu ku nabad galo (isfurashadaas).
Ma habboona in caddibaad iyo halaag Alle la weydiisto, maxaa yeelay Alle isagaa awoodda leh, cidduu doono ayuuna ciqaabaa, markay ciqaabtiisu timaaddana wax celin ma jiro. Qiyaamada shiddadeedana wax walba wuu la doorsoomaa qaraabanimana ma jirto, wuxuuna jeclaan dambiiluhu inuu isku furto qaraabadiisa, xoolihiisa, dhulka waxa jooga oo dhan, markaana uu nabad galo, lagamase aqbalo.
كَلَّآ إِنَّهَا لَظَىٰ
Saas ma aha ee waxaa jirta naar kulul (oo ay geli).
نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ
Waxayna siibi galka (madaxa iyo jirka).
تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
Dadka waa la abuuray iyaga oo naf jaclaysi badan.
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.