إِنَّآ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Annagaa Nabi Nuux u dirray qoomkiisii si uu ugu digo caddibaadda horteed.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِنَّآ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Annagaa Nabi Nuux u dirray qoomkiisii si uu ugu digo caddibaadda horteed.
قَالَ يَٰقَوْمِ إِنِّى لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Wuxuuna ku yidhi qoomkayow waxaan idiin ahay dige cad «oo muuqda».
أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
Ee Alle caabuda kana dhawrsada, anigana i adeeca.
يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo magacaaban, marka Alle la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax og tihiin.
قَالَ رَبِّ إِنِّى دَعَوْتُ قَوْمِى لَيْلًا وَنَهَارًا
Nabi Nuux wuxuu yiri Rabbiyow waan u yeeray qoomkaygii habeen iyo dharaar.
فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَآءِىٓ إِلَّا فِرَارًا
Yeedhiddayduna uma siyaadinnin waxaan carar ahayn.
وَإِنِّى كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوٓا۟ أَصَٰبِعَهُمْ فِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَٱسْتَغْشَوْا۟ ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا۟ وَٱسْتَكْبَرُوا۟ ٱسْتِكْبَارًا
Mar kasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku madax adaygaan xumaanta, wayna is weyneeyaan.
ثُمَّ إِنِّى دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا
Si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa».
ثُمَّ إِنِّىٓ أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا
Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
فَقُلْتُ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارًا
Waxaana ku idhi Allihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badanee.
يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا
Cirkana roob badan ha idiinka keenee.
وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّٰتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَٰرًا
Hana idiin kordhiyo xoolo iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal.
مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا
Maxaad leedihiin ood weynida Alle uga cabsoon weydeen.
وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray xaalado kala duwan.
Nabi Nuux wuxuu Alle u diray qoomkiisii si uu ugu digo hase yeeshee waa beeniyeen in kasta oo uu si walba ugu yeedhay, habeen iyo dharaar, kor iyo hoos, waxayna ahaayeen kuwa madax adag sida quraanku meela badan ku sheegay, dhagahayna furaysteen, dharkoodii bay isku duuduubeen si ayan xaqa u maqal, inkasta oo Nabigu ugu yeedhay xaqa.
أَلَمْ تَرَوْا۟ كَيْفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبْعَ سَمَٰوَٰتٍ طِبَاقًا
Miyaydaan arkaynin sida Alle u abuuray toddoba samo oo isdulsaaran.
وَجَعَلَ ٱلْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ ٱلشَّمْسَ سِرَاجًا
Dayaxana uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ نَبَاتًا
Alle waa kan idinka soo bixiyay dhulka.
ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا
Haddana idinku celin doona dhexdiisa idinkana soo bixin doona.
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ بِسَاطًا
Alle waa kan idiinka yeelay dhulka gogol.
لِّتَسْلُكُوا۟ مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا
Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waawayn.
Waa in dadku Alle ka yaabo, eegana siduu u abuuray, cirkana dayax nuurahayo iyo qorrax ifaysana ugu yeelay, dadkana dhulka ka soo bixiyay kuna celin doona markay dhintaan kana soo bixin doona waqtiga abaalmarinta, dhulkana gogol uga dhigay, waddooyinna uga jeexay ay danahooda ku qabsadaan, Allaha saas ah yay waajib tahay in kaligii la caabudo, luguna mahadiyo.