قُلْ أُوحِىَ إِلَىَّ أَنَّهُ ٱسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَقَالُوٓا۟ إِنَّا سَمِعْنَا قُرْءَانًا عَجَبًا
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ah (quraanka) dheheenna waxaan maqallay quraan la yaab leh.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
قُلْ أُوحِىَ إِلَىَّ أَنَّهُ ٱسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَقَالُوٓا۟ إِنَّا سَمِعْنَا قُرْءَانًا عَجَبًا
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ah (quraanka) dheheenna waxaan maqallay quraan la yaab leh.
يَهْدِىٓ إِلَى ٱلرُّشْدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدًا
Oo ku hanuunin xaqa waana rumaynay waxaan Alle cibaada la wadaajinaynana ma jiro.
وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةً وَلَا وَلَدًا
Waxaana sarreeya waynida iyo awoodda Alleheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.
وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطًا
Waxay ahaayeen kuwannagii xumaa kuwo Alle ku dhaha hadallo xadgudub ah.
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلْإِنسُ وَٱلْجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا
Waxaanna u malaynaynay inuusan insi iyo jinni midna Alle ku beensheegaynin.
وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ ٱلْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا
Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay magangalaan kuwo jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad gudub).
وَأَنَّهُمْ ظَنُّوا۟ كَمَا ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَبْعَثَ ٱللَّهُ أَحَدًا
Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Alle soo bixinaynin ruuxna.
Suuraddani waxay ka sheekayn khalqiga ka mida makhluuqaadka Alle oo ah jinniga, mu’min iyo gaalbana leh, waxaana jirtay inay koox ka mid ihi dhagaysteen akhriska Nabiga, waana in la rumeeyo jiritaankooda, wax micna ah kuma jiro in la yidhaahdo ma aragno, maxaa yeelay imisaa wax aan la arkayn jira, ka warran naftaada iyo caqligaaga iyo dareenkaaga.
وَأَنَّا لَمَسْنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدْنَٰهَا مُلِئَتْ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا
Waxaan doonnay samada waxaanna hellay iyadoo ka buuxda ilaalin daran iyo danabyo.
وَأَنَّا كُنَّا نَقْعُدُ مِنْهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمْعِ فَمَن يَسْتَمِعِ ٱلْـَٔانَ يَجِدْ لَهُۥ شِهَابًا رَّصَدًا
Waxaanna ahayn kuwo fadhiista xaggeeda meelo si aan wax uga dhagaysanno ruuxiise dhagaysta hadda wuxuu heli «lana kulmi» danabyo darban.
وَأَنَّا لَا نَدْرِىٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ أَرَادَ بِهِمْ رَبُّهُمْ رَشَدًا
Mana ogin inay tahay shar lala doonay dadka dhulka ku nool ama in Rabbigood la doonay hanuun (iyo khayr).
وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدًا
Waxaa naga mid ah kuwo suubban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعْجِزَ ٱللَّهَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَن نُّعْجِزَهُۥ هَرَبًا
Waxaanna ognahay inaannaan Alle ku daalin karin dhulka dhexdiisa, kuna daalinaynin cararid.
وَأَنَّا لَمَّا سَمِعْنَا ٱلْهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦ فَمَن يُؤْمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخْسًا وَلَا رَهَقًا
Markaan maqallay hanuunkana waan rumaynay, ruuxii rumeeya Rabbigiisna kama yaabo nusqaan iyo dulmi midna.
وَأَنَّا مِنَّا ٱلْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا ٱلْقَٰسِطُونَ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ تَحَرَّوْا۟ رَشَدًا
Waxaa naga mida muslimiin iyo kuwo xadgudbay, ruuxiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
وَأَمَّا ٱلْقَٰسِطُونَ فَكَانُوا۟ لِجَهَنَّمَ حَطَبًا
Kuwiise xadgudbay waxay ahaan qoryaha jahannamo.
وَأَلَّوِ ٱسْتَقَٰمُوا۟ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسْقَيْنَٰهُم مَّآءً غَدَقًا
Hadday ku toosaan dadku jidka (wanaagsan) waxaan ka waraabin lahayn biyo badan.
لِّنَفْتِنَهُمْ فِيهِ وَمَن يُعْرِضْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِۦ يَسْلُكْهُ عَذَابًا صَعَدًا
Imtixaan dartiis, ruuxii ka jeedsada xusidda Allehiis wuxuu galin cadaab daran.
Cirka Alle ayaa ilaaliyay, wax yeello iyo xumaanna looma gaysan karo, waxaana jirtay in jinnigu isku dayi jiray inuu dhagaysto hase ahaatee markii quraanka xaqa ahu soo dagay yaa Alle ka ilaaliyay, jinnigana saan soo sheegnay kuwo wanaagsan iyo kuwo xumba way leeyihiin, kuwooda wanaagsanna waxay qirteen inaan Alle la daalin karin xaqayna raaceen, kooda xunna uu noqon qoryaha jahannama, dadkuna hadday toosnaadaan Alle wuu u nicmayn, hadday jeedsadaanna wuu caddibi.
وَأَنَّ ٱلْمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدْعُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدًا
Masaajidda Alle ayaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Alle cid kale.
وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبْدُ ٱللَّهِ يَدْعُوهُ كَادُوا۟ يَكُونُونَ عَلَيْهِ لِبَدًا
Markuu istaagay addoonkii Alle (Nabigu) isagoo caabudi Alle waxay jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dul fuulaan.
قُلْ إِنَّمَآ أَدْعُوا۟ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِهِۦٓ أَحَدًا
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun caabudi Rabbigey lana wadaajin mahayo cidna.