Al-MuddaththirSuurad 74 · 56 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
4 / 114
Aayadaha
56
Bogagga Mushafka
575–577
Macnaha magaca
The Cloaked One
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

74:1

يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ

(Nabiga) isdadayow.

74:2

قُمْ فَأَنذِرْ

Istaag oo dig.

74:3

وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ

Rabbigaana waynee.

74:4

وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ

Dharkaagana daahiri.

74:5

وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ

Xumaantana ka hijroo (iyo sanamyada).

74:6

وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ

Hana ku mannaysan adoo badsan (waxaad bixisay).

74:7

وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ

Allehaa dartiisna u samir.

74:8

فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ

Marka suurka (qiyaame) la afuufo.

74:9

فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ

Maalintaasu waa maalin ku daran.

74:10

عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ

Gaalada oon u fududayn.

74:11

ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا

Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isaga oo kaligiisa.

74:12

وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا

Una yeelay xoolo badan.

74:13

وَبَنِينَ شُهُودًا

Iyo wiilal jooga oo «darban».

74:14

وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا

Aan una waasiciyay risqiga.

74:15

ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ

Oo haddana sii damci inaan u badiyo.

74:16

كَلَّآ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَٰتِنَا عَنِيدًا

Saas maaha, ee kaas wuxuu diiday aayaadkannaga.

74:17

سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا

Waxaana ku kallifi (ku dhibi) cadaab daran.

Tafsiirka aayadaha 1–17

Waxaa sugnaatay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) markuu waxyigu ku billawday uu is daday isagoo naxsan, markaas Alle faray inuu kaco dadkana u digo, Alle na wayneeyo, nadaafadana ku dadaalo, xumaantana ka fogaado, wuxuu bixiyana uusan sheegsheegin, dar Alle na u samro, mu’minka dhabta ahna saasaa laga rabaa, markase qiyaamadu timaaddo gaalo waxay la kulmi dhib iyo halaag, mana habboona in Allihii ku abuuray ee kuu nicmeeyay eed waliba ka doonayso kordhin aad ka gaalawdid xaqiisana ka madax adaygtid, sida gaalka aayaduhu tilmaameen.

74:18

إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ

Gaalkaasu wuu fikiray wax buuna goostay.

74:19

فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ

Waxaana loo lacnaday siduu wax u goostay.

74:20

ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ

Haddana waxaa loo lacnaday siduu wax u goostay.