لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ
Waxaan ku dhaaran maalinta qiyaame.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ
Waxaan ku dhaaran maalinta qiyaame.
وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta dagaasha (saaxiibkeed) (ee waa la idin soo bixin).
أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ
Ma wuxuu u maleeyay dadku inaanaan kulminaynin lafihiisa.
بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona celinno) farihiisa.
بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ
Wuxuuse dooni dadku inay ka gaaloobaan waxa ka horreeya.
يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَٰمَةِ
Wuxuu waydiin waa goorma maalinta qiyaame.
فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ
Markase araggu wareero (taagmo).
وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ
Dayuxuna madoobaado.
وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ
Lana kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
يَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ
Wuxuu dhihi dadku maalintaas xagee loo cararaa.
كَلَّا لَا وَزَرَ
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan galo (Alle mooyee).
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ
Xaggaa Allehaa yaana maalintaas loo ahaan.
Suuraddan waxaa lagu magacaabaa suuratul-qiyaamah, waxayna ka warrami qiyaamada iyo sida Alle dadka u soo kulmin, iyo madax adaygga gaalada iyo siday u beenin abaalmarinta, maxayse u tari waxaa iman maalin araggu taagmi, dayuxuna madoobaan, qorraxdana uu la kulmi, dadkuna ay odhan iyagoo calaacali xaggee loo cararaa maanta, dhabtuse waxaan Alle ahayn oo la magan galo ma jiro maalintaas xaggiisaana loo ahaan.
يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
Waxaa looga warrami dadka maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dibmarsaday.
بَلِ ٱلْإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌ
Ruux walbana naftiisa isagaa ku maragfuri.
وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
Si kasta hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ
Ha dhaqaajinnin Nabiyow carrabka inaad quraanka ku dagdagto (akhriskiisa).
إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ
Annagaa laabtaada ku kulmin kuuna akhriyi.
فَإِذَا قَرَأْنَٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ
Ee markaan akhrinno raac akhriskiisa.
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ
Annagaana isa saarray caddayntiisa.
كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ
Saas ma aha ee waxaad jeceshihiin dadow tan soo dagdagaysa (adduunyada).