هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا
Annagaa ka abuurray dadka dhibic isku dheehan, imtixaan dartiis, waxaanna ka yeellay wax maqle wax arka ah.
إِنَّا هَدَيْنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا
Annagaa dadka tusinnay jidka, waxayna noqdeen mid shukriya (mahadiya) iyo mid gaalnimo badan.
إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَا۟ وَأَغْلَٰلًا وَسَعِيرًا
Annagaa u darabnay gaalada silsilado iyo katiinado iyo naarta saciira.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
Kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel buuxa oo lagu dheehay kaafuur.
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا
Waa il ay ka cabbaan addoomada Alle, ayna u jiidaan say doonaan.
يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًا
Wayna oofiyaan nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا
Waxayna quudiyaan cuntada iyagoo cuntada jecel: miskiinka agoonka iyo kan xabbisan (ee dagaalka lagu qabtay).
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا
Iyagoo dhihi waxaan idiin quudinnay dar Alle, mana idinka doonaynno abaalmarin iyo mahadnaq midna.
Alle ayaa jiray isagoon wax kale joogin, isagaana hadhi markii la tago, waxaana dadka soo maray waqti ayna waxba ahayn, Alle ayaase abuuray si loo imtixaano kooda fiican iyo kan kale, jidka iyo wanaaggana wuu u caddeeyay, gaaladana caddibaad baa u sugnaatay, mu’miniinta Alle adeecda ee ballankiisa oofisa, qiyaamadana ka yaabta, masaakiinta, agoonta iyo dadka dhibbanna quudiya dar Alle dartiis wuxuu u darbay janno iyo wanaag. Qataada wuxuu yidhi: sharku wuu fidi maalintaas wallaahiye intuu cirka iyo dhulka ka gaadho.
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا
Waxaan ka yaabaynaa Rabbigeen maalin (wajigu) doorsoomi oo daran.
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا
Alle na waa ka dhawray sharka maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo farax.
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةً وَحَرِيرًا
Wuxuuna ku abaal mariyay samirkooda dartiis janno iyo xariir.
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا
Waxayna ku dangiigsan sariiro sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo dhaxan midna.
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا
Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo raariciyay midheheeda.
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠
Waxaa lala kor socon weelal fidda ah iyo koobab quruurado ah.
قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا
Quruuradahaas oo fidda ah si fiicanna u qiyaasan.
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
Waxaana laga waraabiyaa ehlu jannaha sharaab macaan oo lugu dheehay sinjibiil.
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا
Waana il lugu magacaabo salsabiil (ay ka cabbi).
وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا
Waxaana u adeegi wiilal waari, haddaad aragtana aad u malayn jawhar la saydhay.
Alle ciddii ka yaabta wuxuu ku abaal marin sharkoos ka dhawro iyo janno uu siiyo, iyagoon wax xun la kulmayn ay una shaqayn adeegayaal waari oo wiilal wanaagsan ku shaqayn iyagoo loo dhammeeyay nicmooyinka Alle aayadaha ku tilmaamay oy waajib tahay ruuxii caqli leh inuu higsado una darbado. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: adduunyada waxa lagu sheegahayo iyo jannada waxaa kulmiya magaca.
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا
Haddaad aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.