وَٱلْمُرْسَلَٰتِ عُرْفًا
Waxaan ku dhaartay dabaysha wanaagga lala diro.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلْمُرْسَلَٰتِ عُرْفًا
Waxaan ku dhaartay dabaysha wanaagga lala diro.
فَٱلْعَٰصِفَٰتِ عَصْفًا
Iyo dabaysha sida daran u dhabata.
وَٱلنَّٰشِرَٰتِ نَشْرًا
Iyo dabaysha roobka kicisa.
فَٱلْفَٰرِقَٰتِ فَرْقًا
Iyo malaa’igta xaqa iyo baadilka kala bixisa.
فَٱلْمُلْقِيَٰتِ ذِكْرًا
Iyo malaa’igta waxyiga soo dajisa.
عُذْرًا أَوْ نُذْرًا
Si dadka loo waaniyo looguna digo.
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ
Ee waxa dadow Alle ku yaboohay wuu dhici.
فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ
Markase xiddiguhu nuurku ka tago.
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ
Oo samadu dildillaacdo.
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ
Oo buuraha la rujiyo.
وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ
Oo rasuulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii).
لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ
Maalintee loo dib dhigay.
لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ
In dadka la kala bixiyo dartiis.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ
Maalinta kala bixinta ma taqaannaa.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaag wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
Alle wuxuu rabuu ku dhaartaa oo ka mid ah khalqigiisa, halkanna wuxuu ku dhaartay shan arrimood in waxa lugu dhaaran ay shakila’aan tahay inuu dhici, kaasoo ah abaal-marinta qiyaame, waxaana ka horrayn waxyaalo waawayn sida xiddigahoo madoobaada, cirkoo duleeshama iyo buurahoo burbura, maalintaasna waxaa la kulmin rasuulladii iyo ummadohoodii. Mujaahidna wuxuu yidhi: waa maalinta la soo kulmin rasuullada si ay ugu marag kacaan ummadohoodii.
أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ
Miyaannaan halaagin ummadihii hore.
ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Haddana aannaan raacinaynin kuwii dambe.
كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ
Saasaana ku falaynaa dambiilayaasha.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa beeniya.
أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ
Miyaannaan idinka abuurin biyo tabar yar (oo aan la qiimeyn).