عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (gaaladu).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (gaaladu).
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ
Warkii waynaa xaggiisa (quraanka qiyaamada ka warrami).
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
Ay isku diiddanaayeen.
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Saas ma aha ee way ogaan doonaan.
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Haddana way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًا
Miyaannaan dhulka gogol ka yeelin.
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًا
Buurahana rukummo (ka yeelin).
وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًا
Miyannaan idin abuurin idinkoo noocyo ah (lab iyo dheddig).
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
Miyaannaan hurdada raaxo idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًا
Miyaannaan habeenka asturaad idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًا
Miyaannaan maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
Korkiinna miyaannaan ka dhisin toddoba xoog leh.
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
Miyaannaan dhexdeeda yeelin siraad aad u ifi (qorraxda).
Aayadahani waxay caddayn canaanta ku dhici kuwa quraanka, qiyaamada iyo xaqa ka shakiya, Alle na wuu u goodiyay, maxaa yeelay nicmooyinkiisa yay u jeedaan, sida dhulka, buuraha, abuurka, hurdada raaxada ah, habeenka, maalinta, cirka iyo iftiinka Alle inoo yeelay, Allaha ahaysiiyay waxyaalahaas iyo nicmooyin kale oo badanba ma mudna in laga gaaloobo, ee wuxuu mudan yahay rumayn iyo addeecid.
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءً ثَجَّاجًا
Waxaan idiinka soo dajinnay daruuraha biyo badan.
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّا وَنَبَاتًا
Si aan ugu soo bixinno midho iyo daaq.
وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا
Iyo beero kulansan (oo geedaheedu is dhex gashan yihiin).
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًا
Maalinta kala buxu waxay leedahay waqti go’an.
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
Waana maalinta suurka la afuufi ood u imanaysaan kooxo.
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًا
Samadana waa la furi waxayna yeelan albaabbo.
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
Buurahana waa la kaxayn (oo ay baabi’i) waxayna noqon dhalanteed.