وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًا
Alle wuxuu ku dhaartay malaa’igta nafta si daran uga siibta (gaalada).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًا
Alle wuxuu ku dhaartay malaa’igta nafta si daran uga siibta (gaalada).
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشْطًا
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu’miniinta).
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبْحًا
Iyo malaa’igta hawada dabbaalata (si amar fulin ah).
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبْقًا
Iyo tan u orotanta wanaagga.
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
Iyo kuwa maamula amarka (Alle).
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Maalinta ay gilgilan (arlada iyo buuruhu) afuufka (hore).
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Oyna raaci tii dambe (waa sugan tahay).
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
Qalbiyaduna maalintaa way cabsan.
أَبْصَٰرُهَا خَٰشِعَةٌ
Araggeeduna wuu dullaysnaan.
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Waxayna dhihi (gaaladu) ma raadkiibaa naloo celin (oo adduunkii ah).
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمًا نَّخِرَةً
Markaan noqonno lafo duugoobay.
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
Waa uun hal qaylo kaliya.
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Dadkuna markaas ay dhulka kor iman.
Alle wuxuu ku dhaartay malaa’igta siduu wax badan khalqigiisa ugu dhaartay in qiyaamadu wax sugan tahay dhibaatana leedahay Alle cid uu ka koriyo mooyee, dadkana waa la soo kulmin si loo abaalmariyo, Allaha abuuriddoodii karayna kama daalo in uu soo bixiyo wayna u fududdahay. Tirmidi wuxuu wariyay: in Rasuulkii Alle naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee markuu tago habeenka saddex meelood oo laba meel uu istaagi jiray, wuxuuna dhihi jiray: «dadoow xusa Alle, afuufiddii hore timid tii dambena way raaci, geerina timid iyo wixii ku dhex sugan».
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Markii Alle uga yeedhay toggii barakaysnaa ee dhuwaa.
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Kuna yidhi u tag fircoon wuu xadgudbaye.
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Oon Alle jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Wuxuuna (Nabi-muuse) tusiyay fircoon aayad wayn.