يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْأَنفَالِ قُلِ ٱلْأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَصْلِحُوا۟ ذَاتَ بَيْنِكُمْ وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Waxay ku warsan dadku (xukunka) qaniimada, waxaad dhahdaa qaniimada waxaa iska leh Alle iyo Rasuulka ee ka dhawrsada Alle, wanaajiyana xaalka dhexdiinna ah, Alle na adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo rumeeyey tihiin.
إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتْهُمْ إِيمَٰنًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ
Mu’miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Alle la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Allana ay iimaan u kordhiso, Rabbigood uunna tala saarta.
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ
Ee ah kuwa ooga salaadda, waxaannu ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ حَقًّا لَّهُمْ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Kuwaasaana ah mu’miniinta xaqa ah, waxayna mudan jannooyin Rabbigood agtiisa ah, iyo dambi dhaaf iyo rizqi sharaf leh.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Dagaalkii waynaa ee badar ee dhexmaray muslimiinta iyo gaaladii yey ku soo degtay aayaddu, markay qaar muslimiintii ka mida ku hadleen qaniimadii, waxaana tawallin Alle oo loo iili xaqa iyo Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) oo ku bixin una qaybin xaqa, mase habboona in lagu murmo, waase in muslimiintu Alle ka dhawrsadaan, hagaajiiyaanna xaalka dhexdooda ah, oyna adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa hadday mu’miniin dhaba yihiin. Aayadaha kale waxay tilmaami mu’miniinta dhabta ah, wanaagga kuwa kulansaday, marka Alle la xuso qalbigoodaa argagaxa oo cabsada, marka quraanka lagu akhriyana iimaan u kordho, Alle uun tala saarta, salaadda ooga, waxna bixiya, kuwaasaana ah mu’miniinta xaqa ah ee dhabta ah, mudanna darajooyin Alle agtiisa, dambi dhaaf iyo rizqi sharaf leh.
كَمَآ أَخْرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيْتِكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ
Siduu kaaga bixiyey Allehaa gurigaaga si xaq ah (jahaad) koox mu’miniinta ka mida way nacayeen.
يُجَٰدِلُونَكَ فِى ٱلْحَقِّ بَعْدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلْمَوْتِ وَهُمْ يَنظُرُونَ
Waxayna kugula murmi xaqa intuu u cadaaday ka dib sidii iyagoo loo wado geeri iyagoo eegi.
وَإِذْ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحْدَى ٱلطَّآئِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ ٱلشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقْطَعَ دَابِرَ ٱلْكَٰفِرِينَ
Xusuuso makuu idiin yaboohay Alle labadii kooxood midkood (colkii iyo safarkii) inay idiin sugnaatay, idinkoo jecel in midda tabarta yar idiin ahaato, Alle na wuxuu dooni inuu xaqa ku sugo kalimadiisa, gooyana cidhibta gaalada.
لِيُحِقَّ ٱلْحَقَّ وَيُبْطِلَ ٱلْبَٰطِلَ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُجْرِمُونَ
Si uu xaqa u sugo, una buriyo baadilka (xumaanta), haba naceen dambiilayaashuye.
Tafsiirka aayadaha 5–8
Aayadahanna waxay ka warrami dagaalkii waynaa ee Badar iyo in dad ka mida muslimiintii ay nacayeen in loo baxo dagaalka, Alle se wuxuu u yaboohay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) labada kooxood middood oo ah safarkuu Abuusufyaan hoggaaminayey ee Shaam ka yimid iyo colkii waynaa ee gaaladii makaad, inkastooy mu’miniintu jeclayd inay la kulmaan safarka, Rabbiga xigmadda lehse wuxuu doonay inuu xaqa sugo, xumaanta iyo baadilkana buriyo oo jabiyo, gaaladana gummaado, saasaana dhacday maalintaas oo gaaladii kibirsanayd ee badnaa waxaa jabiyey mu’miniin yar, gargaarka Alle na waa mudan tahay ciddii xaqa si dhaba u raacda ee diinta Alle ku toosta.
إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَٱسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّى مُمِدُّكُم بِأَلْفٍ مِّنَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ مُرْدِفِينَ
Xusuusta markaad ka gargaar warsanayseen Alle oo uu idinku ajiibay waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mida oo israacraacsan.
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ وَلِتَطْمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمْ وَمَا ٱلنَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Wuxuu Alle u yeelay bishaaro iyo inuu xasilo qalbigiinnu, gargaarra waxaan Alle agtiisa ahayn ma aha, Alle na waa adkaade fal san.
إِذْ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةً مِّنْهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيْكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذْهِبَ عَنكُمْ رِجْزَ ٱلشَّيْطَٰنِ وَلِيَرْبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلْأَقْدَامَ
Xusuustana markuu idinku daboolay hurdo aamminnimo darteed, idinkagana soo dejiyey samada biyo, inuu idinku daahiriyo idinkagana tegsiiyo waswaaska shaydaanka iyo inuu ku adkeeyo quluubtiinna kuna sugo gommadihiinna.
إِذْ يُوحِى رَبُّكَ إِلَى ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ أَنِّى مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ سَأُلْقِى فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلرُّعْبَ فَٱضْرِبُوا۟ فَوْقَ ٱلْأَعْنَاقِ وَٱضْرِبُوا۟ مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ
Markuu u waxyoon Allehaa malaa’igta anaa idinla jira ee suga kuwa xaqa rumeeyey (xoojiya) waxaan ku tuuri quluubta kuwa gaaloobay argagax ee ka garaaca luqunta korkeeda kana garaaca xubnaha faraha.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَآقُّوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Maxaa yeelay waxay khilaafeen Alle iyo Rasuulkiisa, ciddii khilaafta Alle iyo rasuulkiisana Alle waa u ciqaab daran yahay.
ذَٰلِكُمْ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلْكَٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ
Ee arrintaas dhadhamiya, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka naarta.
Tafsiirka aayadaha 9–14
Dagaalkii badar wuxuu ahaa arrin aad u wayn, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) markuu dayey asaxaabta oo saddex boqol iyo dhawra iyo gaaladii oo kun ah yuu qaabilay qiblada baryeyna Alle isagoo dhihi: Ilaahoow ii fuli yaboohaagii, ilaahoow haddaad halaagto kooxdan islaamka ah lagugu caabudi maayo dhulka waligeed, intuu go’ii garabaha ka dhaco oo sayid abuubakar ka dhaho kugu filan, wuxuuna Alle ku xoojiyey malaa’ig si loogu bishaareeyo mu’miniinta, quluubtoodana loo xasiliyo, gargaarna Alle ayaa haysta, waxaana qabatay muslimiinta hurdo inayan cabsan, roob daahiriyana wuu u soo daayey niyada u adkeeyey, lugahana u sugay, wuxuuna Alle faray malaa’igta inay sugaan mu’miniinta illeen Alle ayaa la jiree, kuna tuuri niyadda gaalada argagax, iyo inay ka garaacaan madaxa iyo faraha illeen waxay khilaafeen Alle iyo Rasuulkiisii, ciddii khilaaftana waxay mudan ciqaab daran, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka naarta, saasuuna Alle ugu gargaaraa mu’miniinta dhabta ah.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ زَحْفًا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلْأَدْبَارَ
Kuwa xaqa rumeeyow hadaad la kulantaan kuwa gaaloobay idinkoo isu soo dhawaan ha u jeedinnina dabada (ha cararina).
وَمَن يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِّقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدْ بَآءَ بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأْوَىٰهُ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Ruuxii u jeediya maalintaas dabadiisa (carara) isagoon u xeelaysanayn dagaal ama ku biirayn koox, wuxuu la noqdaa cadho Alle, hooygiisuna waa jahannamo, iyadaana u xun meel loo ahaado.
فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمْ وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ وَلِيُبْلِىَ ٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْهُ بَلَآءً حَسَنًا إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Idinku maydaan ku layn gaalada (xooggiinna) Alle ayaase laayey, mana aadan ganayn markaad ganaysay Alle ayaase ganay (ku hagaajiyey) inuu u nicmeeyo mu’miniita nicmo wanaagsan, Alle na waa maqle og.
ذَٰلِكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيْدِ ٱلْكَٰفِرِينَ
Arrinkaasi waa fal Alle, walibana Alla wuu tabar yarayn dhagarta gaalada.
Tafsiirka aayadaha 15–18
Aayaduhu waxay caddayn inay ka reebboon tahay mu’miniinta markay cadowgooda gaalada ah dagaal kula kumlaan inay cararaan oo dhabarka u jeediyann, ciddii carartana waxay mudan cadho Alle waxayna u hoyan naarta jahannamo ee u xun meel loo ahaado. Marka laga reebo u xeelaysi dagaal ama ku biirid iyo u dunmid koox kale oo taageerta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu ka mid yeelay ka cararka jahaadka toddobada dadka halaagta naartana galisa. Wuxuuna Alle ku mannadaystay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) gargaarkii iyo guushii waynayd ee Badar iyo in Alle si dhaba ugu hagaajiyey uguna toosiyey tuuryadii gaalada intay ka jabaan oo laga laayo, illeen awoodda Alle ayaa lehe, mu’miniintana wuxuu ugu nicmeeyey nicmo wanaagsan, wuxuuna saas u falay inuu jilciyo oo tirtiro dhagarta gaalada, colka islaamka ah, taasina waxay ku tusin in jahaadku waajib adag yahay, ciddii muslima oo ka tagtana ay mudan dulli, addoonsi iyo tabar yari, markiise Alle lagu xidhnaado, diintana lagu toosnaado xaqana lagu jahaado waxaa la heli guul, sharaf, cisi, dambi dhaaf iyo jannadii Alle ee wanaagsanayd.
إِن تَسْتَفْتِحُوا۟ فَقَدْ جَآءَكُمُ ٱلْفَتْحُ وَإِن تَنتَهُوا۟ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَإِن تَعُودُوا۟ نَعُدْ وَلَن تُغْنِىَ عَنكُمْ فِئَتُكُمْ شَيْـًٔا وَلَوْ كَثُرَتْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Haddaad kala xukumid dalabteen gaalooy waxaa idiin yimid u gargaarkii (Nabiga) haddaadse reebtoontaan yaa idiin khayr roon, haddaad ku noqotaan xumaantana waxaannu ku noqon gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso kooxdiinnu haba badnadeene, Alle na wuxuu la jiraa mu’miniinta.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَأَنتُمْ تَسْمَعُونَ
Kuwa (xaqa) rumeeyow adeeca Alle iyo Rasuulkiisa hana ka jeedsanina idinkoo maqli.