عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
Inuu u yimid kii indhaha la’aa.
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo daahir noqdo.
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Waa aad u bambixi.
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
وَهُوَ يَخْشَىٰ
Oo Alle ka yaabi.
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
Waad ka shuqloomi.
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ
Saas ma aha ee aayadahani waa waano.
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
Suuraddani waxay ku soo dagtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) uu ku shuqloonaa qaar ka mid ah gaaladii qureesheed ee makaad si uu ugu sharxo diinta islaamka ah markaasaa waxaa u yimid nin indha la’aa la dhihi jirayna Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna ku celceliyay Nabiga hadalka, hase yeeshee Nabigu wuxuu wali ku shuqloonaa hanuuninta gaaladaas, markaasaa Alle suuraddan soo dajiyay, Nabiguna had iyo jeer wuxuu soo dhaweyn jiray saxaabigaa la soo sheegay isagoo dhihi jiray: soo dhawow kii Alle igu dagaalayow, taasina waxay ku tusin caddaaladda iyo sinnaanta islaamka, Alle na cidduu doono wuu hanuunin.
فِى صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ
Waxay ku sugan tahay (waanadu) kutub sharaf leh.
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍۭ
Oo la kor yeelay lana daahiriyay.
بِأَيْدِى سَفَرَةٍ
Oy gacanta ku hayaan malaa’ig (wax qorta).
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍ
Sharafna leh oo baarri ah.
قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
Gaalo halla lacnado gaalnima badanaa.
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
Muxuu Alle ka abuuray kuwaas.
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Dhibic buu ka abuuray wuuna ekeeyay.
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Jidkana (ka soo bixidda caloosha hooyadii) wuu u fudaydiyay.