At-TakwirSuurad 81 · 29 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
7 / 114
Aayadaha
29
Bogagga Mushafka
586
Macnaha magaca
The Overthrowing
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

81:1

إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ

Marka qorraxda la duubo (qiyaamada).

81:2

وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ

Xiddiguhuna daataan (iyagoo madow).

81:3

وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ

Buurahana la kexeeyo (la rujiyo).

81:4

وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ

Geelii rimmanaana la halleeyo (oo la dayaco).

81:5

وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ

Dugaaggana la kulmiyo (qisaas darteed).

81:6

وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ

Badahana la kululeeyo.

81:7

وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ

Naf walbana jidhkeedii lagu lammaaneeyo.

81:8

وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ

Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.

81:9

بِأَىِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتْ

Maxaa dambi ah oo loo dilay.

81:10

وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ

Kutubta (camalkana) la fidiyo.

81:11

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ

Samadana la rujiyo.

81:12

وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ

Naarta jaxiimana la huriyo.

81:13

وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ

Jannadana la dhaweeyo.

81:14

عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّآ أَحْضَرَتْ

Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.

Tafsiirka aayadaha 1–14

Alle isagaa wax walba abuuray, wuxuu doonana wuu falaa, qiyaamadu markay imaanna wuxuu muujin calaamooyin iyadoo ruux walba Alle tusin wuxuu adduunka ku camal-falay, kana abaal-marin khayr iyo sharba. Abuu Hurayra wuxuu ka wariyay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee): qorraxda iyo dayaxa waa la duubi maalinta qiyaame.

81:15

فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ

Waxaan ku dhaartay «buu Alle yidhi» xiddigaha qarsooma (maalintii).

81:16

ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ

Ee socda iftiinka qorraxdana ku qarsooma.

81:17

وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ

Iyo habeenku markuu jeedsado.

81:18

وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ

Iyo subaxu markuu soo qaabilo.

81:19

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ

Ee quraanku waa hadalka Alle, oo uu soo raray malag sharaf lah.

81:20

ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍ

Xoogna leh Alle agtiisana daraja ku leh.