وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Wuxuu halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Wuxuu halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
Waa kuwa markay dadka ka soo beeganna oofsada (dhammaystirta).
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
Miyayna u malaynaynin (oo aysan ka cabsaneyn) kuwaasi in loo soo bixin.
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
Maalin wayn darteed (qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Maalinta dadku u istaagi Rabbiga caalamka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ
Saas ma aha ee camalka kuwa xun wuxuu ku qoran yahay sijiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ
Ma taqaannaa sijiin.
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Waa kitaab calaamaysan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Ee ah kuwa beeniya maalinta abaal marinta.
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Marka quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii dadkii hore.
Ganacsiga iyo wax kala gadashadu waa xalaal bannaan haddii jidkeeda la mariyo, waana xaaraan xun haddii la leexiyo oo dadka lagu boobo. Ruuxiise Alle ka yaabi iyo hor istaaggiisa maalinta qiyaame waa inuu iska jiraa ganacsi xun, illeen Alle caddibaad daran yuu ugu gooddiyay kuwaase. Nabiguna wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee: «maalinta dadku u istaagi waynanka Rabbiga caalamka maalinta qiyaame, dhididkuna dadkuu xakamayn ilaa uu ka gaadho dhagahooda». Waxaa wariyay Imaamu Axmad binu Xambal.
كَلَّا بَلْ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Saas ma aha ee waxaa fuulay qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasban jireen oo dambi ah.
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
Waxaa sugan in Rabbigood maalintaas (qiyaame) laga xijaabi.
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
Markaasna ay gali jaxiimo.
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Waxaana loo odhan tani waa naartaad ku beeninayseen adduunka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
Saas xaalku ma aha ee kitaabka iyo camalka dadka wanaagsan wuxuu ku qoran yahay cilliyiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Cilliyiin ma taqaannaa.
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Waa kitaab (dadka fiican magacooda lagu qoray).