إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ
Marka samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ
Marka samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Oy Alle addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Oos Rabbi addeeco waana xaq addeeciddaasina (wuxuu la kulmi ruux walba camalkiisa).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَٰقِيهِ
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Alle, waadna la kulmi.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ
Ruuxiise kitaabkiisa (fiican) midigta laga siiyo (waa mu’minkee).
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا
Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
Wuxuuna ku noqon ciddiisii (jannada joogtay) isagoo faraxsan.
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ
Ruuxiise kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa dadka xune).
فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًا
Wuxuu u yeedhan halaag.
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا
Wuxuuna gali naarta saciira.
إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
Maxaa yeelay markuu (adduunkii) dadkiisii dhexjoogay yuu kibirsanaa.
إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ
Wuxuuna malaynayay inuusan Alle u soo noqonaynin (qiyaame).
بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًا
Saas ma ahee Alle waa arkaayey (ogaana wuxuu sameynaayey markuu adduunka joogay).
Qudrada Alle iyo awooddiisu wax walba waa ka sarraysaa, maxaa yeelay isagaa waxwalba ahaysiiyay, wax awooddiisa ka baxsanna ma jiro, laba waddo umbaana jira, ruux walbana wuxuu qaadi tuu u camal falo. Rasuulka Alle naxariis iyo nabadgalyana korkiisa Alle ha yeelee wuxuu yidhi: idinku waxaad falaysaan camallo aan la aqoonin, waxayna u dhawdahay inuu u soo noqdo kii maqnaa reerkiisii oo uu farxo ama naxo. Waxaa wariyay dabaraani.
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Alle» midabka qorrax dhaca.
وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ
Iyo habeenka iyo wuxuu qariyay.
وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ
Iyo dayaxa markuu nuurku buuxsamo.
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ
Ee dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan.
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumayn waayeen (xaqa).