هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gaadhay qiyaamada warkeedii.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gaadhay qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Wajiyaal maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ
Waxayna qaban shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً
Waxayna gali naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ
Taasoon waxna cayilinaynin gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ
Wajiyaalna maalintaas way nicmaysnaan (waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةً
Kumana maqasho jannada hadal macna darro ah.
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ
Waxaana ah dhexdeeda il socota.
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ
Iyo sariiro la kor yeelay.
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ
Iyo barkimooyin la safay.
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ
Iyo gogol la fidiyay.
Qiyaamada iyo sida dadku u qaybsami laba waddana u kala qaadi, iyo jannada iyo wanaaggeeda, iyo naarta iyo xumaanteeda, wax badanbuu quraanku ka hadlay, waxaase loo baahan yahay uun in loo darbado, wanaaggana la falo, xumaantana laga tago. Rasuulkii Alle na waxaa laga weriyay naxariis iyo nabadgalyana korkiisa Alle ha yeelee: «war ma jiraa ruux u tafa xaydan jannada, jannadu wax la mid ah ma lehee, Rabbiga kacbadaan ku dhaartaye waa nuur ifi, udgoon gilgilan, sar la qurxiyay, wabi socda, midho bisil, haweeney wanaagsan oo quruxsan, labbis badan, iyo nagaadi waligeed ah oo daar nabad-gashay, iyo faakihad iyo khudaar iyo farax iyo nicmo, meel sare oo quruxsan «markaasay dheheen: haa Rasuulki Allow annagaa u tafaxaydan. Markaasuu yidhi: «dhaha: hadduu Alle doono» markaasay qoomkii dheheen hadduu Alle doono. Waxaa wariyay Ibnu Maajah. Mana xoog badna.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
Miyayna fiirinaynin sida geela loo abuuray.
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
Iyo sida samada loo kor yeelay.
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
Iyo sida buuraha loo taagay.
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
Iyo sida dhulka loo fidiyay.