وَٱلْفَجْرِ
Alle wuxuu ku dhaaraty waabariga.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلْفَجْرِ
Alle wuxuu ku dhaaraty waabariga.
وَلَيَالٍ عَشْرٍ
Iyo habeennada tobanka ah (ee carrafo).
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
Iyo tirada siman iyo tan is dheer.
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
Iyo habeenku markuu tagayo.
هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto qof caqli leh.
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
Ma ku soo gaadhay sida Allehaa ku falay Caad.
إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَٰدِ
Wax la mid ahna aan lugu abuurin dhulka.
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
Iyo Thamuudkii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara waadiga.
وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
Iyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ
Kuwiina ahaa ku xad gudbay dhulka.
فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
Kuna badiyay dhexdiisa fasaadka.
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
Markaasaana Rabbigaa ku shubay caddibaad daran.
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
Maxaa yeelay Alle waa u darban yahay (abaalmarinta).
Alle wuxuu abaal-mariyay halaagayna kuwii xaq-diidayaasha ahaa Nabiyadana beeniyay, isna biday xoog iyo tabar, ruux kastoo is kibriyana oo xumaan iyo fasaad dhulka ku sameeyana wuxuu la kulmi waxay la kulmeen, wuxuuna ka cabbi weelkay ka cabbeen, taasina waa sunnada Alle wax baddalina ma jiro.
فَأَمَّا ٱلْإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
Marka Alle dadka imtixaano oo uu sharfo una nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa la i sharrifay (isagoo faani).
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَٰنَنِ
Haddiise Alle imtixaano oo xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Alle ayaa i dulleeyay.
كَلَّا بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn agoonka.
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Mana is fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا
Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.