بَرَآءَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّم مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
Tani waa ka beri ahaasho Alle iyo Rasuulkiisu ay ka beri noqonayaan kuwaad la ballanteen oo mushrikiinta (gaalada) ah.
Suuradda waa la furayaa…
بَرَآءَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّم مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
Tani waa ka beri ahaasho Alle iyo Rasuulkiisu ay ka beri noqonayaan kuwaad la ballanteen oo mushrikiinta (gaalada) ah.
فَسِيحُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ أَرْبَعَةَ أَشْهُرٍ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِى ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُخْزِى ٱلْكَٰفِرِينَ
Ee socda dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Alle iyo in Alle uu dulleyn gaalada.
وَأَذَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلنَّاسِ يَوْمَ ٱلْحَجِّ ٱلْأَكْبَرِ أَنَّ ٱللَّهَ بَرِىٓءٌ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ وَرَسُولُهُۥ فَإِن تُبْتُمْ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِى ٱللَّهِ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Waana ogaysiin Alle ka ahaatay iyo Rasuulkiisa oo dadka maalinta xajka wayn la ogeysiin in Alle ka bari yahay gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad toobadkeentaanna saasaa idiin khayr roon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Alle daalinayn, uguna bishaareeya kuwii gaaloobay cadaab daran.
إِلَّا ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّم مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ثُمَّ لَمْ يَنقُصُوكُمْ شَيْـًٔا وَلَمْ يُظَٰهِرُوا۟ عَلَيْكُمْ أَحَدًا فَأَتِمُّوٓا۟ إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَىٰ مُدَّتِهِمْ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَّقِينَ
Kuwaad ballanteen mooyee oo gaalada ah markaasna aan idinka nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhammeeya tan iyo ballankooda «muddadooda», Alle na wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada.
Suuraddani waxay ka mid tahay suuradaha ugu dambeeyey soo degid, illeen xaggeeda hore waxay soo degeen markii laga soo noqday duullaankii Tabuuk, bisinna laguma billaabin suuradda, waxayna caddeyn in Alle iyo Rasuulkiisu ka bari yihiin gaalo, kuwii ballan lala dhigtayna uu u jiro muddo afar bilooda, saasaana la ogaysiiyey maalintii iiddii carrafo, cid ballan leh oon jabin mooyee, colna ugu kaalmaynin muslimiinta waxaana la sugi mudadooda, taasina waxay ku tusin sida islaamku ballanka u dhawro una ilaaliyo iyo inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo gaalo wanaag dhex oollin.
فَإِذَا ٱنسَلَخَ ٱلْأَشْهُرُ ٱلْحُرُمُ فَٱقْتُلُوا۟ ٱلْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَٱحْصُرُوهُمْ وَٱقْعُدُوا۟ لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ فَإِن تَابُوا۟ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَخَلُّوا۟ سَبِيلَهُمْ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meeshaad ka heshaan qabtana (qafaasha) go’doomiya una fadhiista meel gabbasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna sakada u sii daaya jidkooda, Alle waa dambi dhaafe naxariistee.
وَإِنْ أَحَدٌ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ٱسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُۥ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْلَمُونَ
Mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Alle markaas gaadhsiiya meeluu aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne.
كَيْفَ يَكُونُ لِلْمُشْرِكِينَ عَهْدٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ رَسُولِهِۦٓ إِلَّا ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّمْ عِندَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ فَمَا ٱسْتَقَٰمُوا۟ لَكُمْ فَٱسْتَقِيمُوا۟ لَهُمْ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَّقِينَ
Siday ugu ahaan gaalada ballan Alle agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen masaajidka xurmada leh agtiisa mooyee ee hadday idiin toosnaadaan u toosanaada, Alle wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsadee.
Markay baxaan bilaha xurmada leh waxaa bannaan in la laayo gaalada meel kastoo laga helo oo la qafaasho lana qabto meel kastana loo fadhiisto, haddayse toobad keenaan oo salaadda oogaan oo bixiyaan sakada waxaa loo sii dayn jidkooda, illeen Alle waa dambi dhaafe naxariiste, haddii cid gaalada ka mid ah nabadgalin warsadaan muslimiinta ha la nabadgaliyo intay ka dhagaystaan hadalka Alle, markaas la gaadhsiiyo meeshay aaminka ku yihiin illeen waa kuwaan wax ogayn, siduu Nabigu falay (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) sanadkii Xudaybiyo, iyo marar kale oo sabab u noqotay hanuunkooda, tan kale gaaladu ballan kuma laha Alle iyo Rasuulkiisa agtiisa, kuwii lagula ballamay masaajidka xurmada leh agtiisa mooyee, waana in loo toosnaado intay toosan yihiin, Alle na wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada, Nabiguna saasuu falay muslimiintuna faleen mana bannaana in ballan la jabiyo.
كَيْفَ وَإِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا۟ فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً يُرْضُونَكُم بِأَفْوَٰهِهِمْ وَتَأْبَىٰ قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَٰسِقُونَ
Sidee (ballan ugu sugnaanayaa) iyadoo hadday idinka adkaadaan ayna idiin dhawrayn qaraabannimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin.
ٱشْتَرَوْا۟ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِهِۦٓ إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Waxay ku gataan aayaadka Alle qiimo yar, waxayna ka leexiyeen jidka Alle, waxaana xun waxay falayeen.
لَا يَرْقُبُونَ فِى مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُعْتَدُونَ
Umana dhawraan mu’min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal.
فَإِن تَابُوا۟ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَإِخْوَٰنُكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَنُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَٰتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda bixiyaanna sakada waa walaalihiinna diinta waana u caddaynaynaa aayaadka qoomkii wax garan.
وَإِن نَّكَثُوٓا۟ أَيْمَٰنَهُم مِّنۢ بَعْدِ عَهْدِهِمْ وَطَعَنُوا۟ فِى دِينِكُمْ فَقَٰتِلُوٓا۟ أَئِمَّةَ ٱلْكُفْرِ إِنَّهُمْ لَآ أَيْمَٰنَ لَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَنتَهُونَ
Haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogaan (xumaanta).
Gaaladu ma dhawraan muslimiinta hadday ka tabar roonaadaan ugumana naxariistaan qaraabannimo iyo ballan midna, iyagoo afkana isku dayi inay ku raalli galiyaan muslimiinta, qalbigooduna diidi oo faasiqiinna ah, kuna gatay aayaadka Alle qiimo yar, jidkiisana ka leexiya dadka, wax xunna fala, cid mu’minana aan u dhawrayn qaraabo iyo ballan iyagoo xadgudbi, haddayse toobadkeenaan oo salaadda oogaan oo sakada bixiyaan, waa walaalihiinna diinta, aayaadkana wuxuu Alle u caddeeyey cidii wax garan, haddayse buriyaan dhaartooda ballan kadib duraanna diintiinna waa in la laayo madaxda gaalada dadka fari xumaanta xaqdiidka iyo gaalnimadana ku hagaajin, waa kuwaan ballan iyo dhaar lahayne bal inay xumaanta ka joogaan, saasayna u muuqataa wadada islaamku oon qarsoodi iyo qalqallooc midna ugu jirin, ciddii kula nabaddana la nabad tii diidda xaqa oo burisa ballankana iska celiya kana digtoonaada.
أَلَا تُقَٰتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوٓا۟ أَيْمَٰنَهُمْ وَهَمُّوا۟ بِإِخْرَاجِ ٱلرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ أَتَخْشَوْنَهُمْ فَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Miyeydaan la dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hammiyey (doonay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan, Alle ayaa mudan inaad ka cabsataan haddaad mu’miniin tihiin.
قَٰتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمُ ٱللَّهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍ مُّؤْمِنِينَ
La dagaallama, Alle ha ku cadaabo gacmihiinnee hana dulleeyee hana idinkaga gargaaree oo bogsiiyo laabta qoom mu’miniina.
وَيُذْهِبْ غَيْظَ قُلُوبِهِمْ وَيَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa Alle cidduu doono, Alle na waa oge falsan.
أَمْ حَسِبْتُمْ أَن تُتْرَكُوا۟ وَلَمَّا يَعْلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُوا۟ مِنكُمْ وَلَمْ يَتَّخِذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَا رَسُولِهِۦ وَلَا ٱلْمُؤْمِنِينَ وَلِيجَةً وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Alle ogaannin kuwa jahaaday oo idinka mida oon ka yeelannin wax ka soo hadhay Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniinta saaxiib, Alle na waa og yahay waxaad falaysaan.
Aayaduhu waxay ku adkayn muslimiinta inay la dagaalamaan gaalada burin ballanka oo ahaa kuwii bixinta Rasuulka hammiyey doonayna, xumaanna billaabay, wax laga cabsadana ma aha ee Ilaahay yaa ka cabsi mudan, waana in kuwaas lala dagaallamo, lana dulleeyo, Alle na ugu gargaaro mu’miniinta, quluubtoodana u caafiyo, cadhadana ka tegsiiyo, cidduu doonana uu ka aqbalo toobada, illeen waa oge falsane. Imitixaan la’aanna mu’miniinta lagu dayn maayo inta Alle ka ogaado kuwa jahaaday oon gaalo saaxiib ka yeelan intay Alle, Rasuulkiisa iyo mu’miniinta ka leexdaan, Allese waa og yahay waxay fali, wuuna ka abaal marin. Aayaduhu waxay ku uruursadeen in gaalo colka muslimiinta tahay oyna waajib tahay in lala jahaado intay xaqa ka soo horjeedaan lagana dhigannin saaxiib sokeeye iyo gargaare midna, illeen waa cole.
مَا كَانَ لِلْمُشْرِكِينَ أَن يَعْمُرُوا۟ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ شَٰهِدِينَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِم بِٱلْكُفْرِ أُو۟لَٰٓئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَٰلُهُمْ وَفِى ٱلنَّارِ هُمْ خَٰلِدُونَ
Uma bannaana gaalada inay cammiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiri naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari.
إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ مَنْ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَلَمْ يَخْشَ إِلَّا ٱللَّهَ فَعَسَىٰٓ أُو۟لَٰٓئِكَ أَن يَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُهْتَدِينَ
Waxaa uun cammira masaajidda Alle cid rumaysay Alle iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada, kana cabsanayn waxaan Alle ahayn, waxay u dhaw yihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
أَجَعَلْتُمْ سِقَايَةَ ٱلْحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ كَمَنْ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَجَٰهَدَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا يَسْتَوُۥنَ عِندَ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Alle iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Alle, kuma sinna Alle agtiisa, Alle na ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah.
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَٰهَدُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ أَعْظَمُ دَرَجَةً عِندَ ٱللَّهِ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ
Kuwa rumeeyey (xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Alle xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Alle agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay.