Al-LaylSuurad 92 · 21 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
9 / 114
Aayadaha
21
Bogagga Mushafka
595–596
Macnaha magaca
The Night
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

92:1

وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ

Alle wuxuu ku dhaartay habeenku markuu wax qariyo.

92:2

وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

Iyo markay maalintu muuqato (ifto).

92:3

وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ

Iyo abuuridda dadka lab iyo dhaddigba.

92:4

إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ

In camalkiinnu (dadow) kala duwan yahay.

92:5

فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

Ruuxiise bixiya (xuquuqda), Alle na ka dhawrsada.

92:6

وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ

Rumeeyana tii wanaagga badnayd (oo laga wado abaalmarinta wanaagsan).

92:7

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ

Waxaannu u fududaynaa wanaagga (iyo jidka fiican).

92:8

وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ

Ruuxiise ku bakhayla xoolaha isna deeqtoonaysiiya (iskibriya).

92:9

وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ

Beeniyana tii wanaagga badnayd (oo laga wado abaalmarinta wanaagsan).

92:10

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ

Waxaan u fududaynaa jidka xun.

92:11

وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.

92:12

إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ

Annagaa wax hannuninna.

92:13

وَإِنَّ لَنَا لَلْـَٔاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ

Aakhariyo addunbana annagaa iska leh.

92:14

فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ

Waxaana idiinka digayaa naar kulayl daran.

92:15

لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى

Oosan galaynin ruux xun mooyeen.

92:16

ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.

92:17

وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى

Waxaana ka fogaada (galidda naarta) ruuxii Alle ka dhawrsada.

92:18

ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

Ee bixiya xoolihiisa si uu u daahir noqdo.

92:19

وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰٓ

Ruux wax ugu nicmeeyayna oo uu abaalmarinna ma uusan jirin.

92:20

إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ

Ee wuxuu u bixin Rabbigiisa sarreeya dartii.