ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا
Mahad Alle ayaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) kitaabka (quraanka) oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
Waa la furayaa…
110 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا
Mahad Alle ayaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) kitaabka (quraanka) oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا
Waana toosan yahay si uu ugaga digo ciqaab daran oo Alle xaggiisa ka ahaatay, uguna bishaareeyo mu’miniinta fala wanaagga inay muteen ajir fiican.
مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا
Kuna nagaanayaan (jannada) waligood.
وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًا
Ugana digo kuwa yidhi wuxuu yeeshey Alle ilmo.
مَّا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِـَٔابَآئِهِمْ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا
Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaalkood midna, waxaana waynaatay kalimad ka soo baxday afafkooda, mana dhahayaan waxaan been ahayn.
فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا۟ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَسَفًا
Waxaad u dhawdahay inaad ku (halaagto) naftaada Nabiyow raad kooda (gadaashooda) haddayna rumeyn quraankan, walbahaar dartiis.
إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى ٱلْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا
Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah quruxdiisa, si aan u imtixaanno midkooda fiican xagga camalka.
وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا
Waxaanna ka yeelaynaa waxa korkeeda ah bannaan aan wax ka soo bixin.
أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْكَهْفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُوا۟ مِنْ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا
Ma waxaad u malaysay Nabiyow godkii asaxaabtiisii (dadkiisii) iyo kitaabkii (iyo looxii) inay ugu yaab badan tahay aayaadkannaga.
إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا
Waa markay u dunmeen dhallinyaradu godka oy dhaheen Allow naga sii agtaada naxariis noona darab amarkannaga hanuun.
فَضَرَبْنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمْ فِى ٱلْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا
Markaasaan ku sii daynay hurdo godka dhexdiisa sanooyin badan.
ثُمَّ بَعَثْنَٰهُمْ لِنَعْلَمَ أَىُّ ٱلْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓا۟ أَمَدًا
Markaasaan soo bixinnay si aan u ogaanno labada xizbi midkooda koobid badan intay nagaadeen muddo.
نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِٱلْحَقِّ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ ءَامَنُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَٰهُمْ هُدًى
Annagaa kaaga qisoon warkooda si xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeeyey Alle hood, waxaanna u siyaadinnay hanuun.
وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا۟ فَقَالُوا۟ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَا۟ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهًا لَّقَدْ قُلْنَآ إِذًا شَطَطًا
Waxaan xoojinnay (oon adkaynay) quluubtooda, oyna dhaheen Alleheen waa Alleha samaawaadka iyo dhulka, baryinamayno (caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalnay markaas hadal xun (oo baadil ah).
هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمُنَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَٰنٍۭ بَيِّنٍ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا
Kuwaasu waa qoomkannagii waxay yeesheen Alle ka sokow ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Alle dushiisa been.
وَإِذِ ٱعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأْوُۥٓا۟ إِلَى ٱلْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا
Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Alle ka soo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Allihiin naxariise idinkana darbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga.
وَتَرَى ٱلشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمْ فِى فَجْوَةٍ مِّنْهُ ذَٰلِكَ مِنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلْمُهْتَدِ وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيًّا مُّرْشِدًا
Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay dhalato uga iilan godkooda xagga midig, markay dhicina ka gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan meel waasac ah oo godka, taasina waxay ka mid tahay aayaadka Alle, ruuxuu hanuuniyo Alle unbaa hanuunsan, ruuxuu dhumiyana u heli maysid gargaare hanuuniya.
وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَكَلْبُهُم بَٰسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِٱلْوَصِيدِ لَوِ ٱطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًا
Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo jiifa, waxaanna u gagadin midig iyo bidix, eygoodiina wuxuu ku fidin dhudhummadiisa albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsan lahayd, adoo carari waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argagax.
وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا
Saasaanna u soo bixinnay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed, waxay dhaheen Alleheen baa og waxaad nagaateen ee la dira midkiin lacagtan xagga magaalada, hana soo fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno rizqi hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna.
إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِى مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا
Iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku celin diintooda mana liibaanaysaan markaas waligiin.
وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَآ إِذْ يَتَنَٰزَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ فَقَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ عَلَيْهِم بُنْيَٰنًا رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُوا۟ عَلَىٰٓ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًا
Saasaan u daalacsiinnay (u tusinnay) dadka si ay u ogaadaan in yabooha Alle xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinnay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa korkooda, dhismo, Rabbigood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey amarkooda aan ka yeelanno korkooda masaajid.
سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًۢا بِٱلْغَيْبِ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ قُل رَّبِّىٓ أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌ فَلَا تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَآءً ظَٰهِرًا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ أَحَدًا
Waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey eygoodii, waxay dhihi waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la’aan) waxay dhihi waxay ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Rabbigey baa og tiradooda, mana oga tiradooda dad yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda ruuxna.
وَلَا تَقُولَنَّ لِشَا۟ىْءٍ إِنِّى فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا
Ha dhihin arrin aad go’aamisay dartiis kaas ayaan sameyn berri (waqtiga soo socda).
إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَٱذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰٓ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّى لِأَقْرَبَ مِنْ هَٰذَا رَشَدًا
(Adoon dhihin) hadduu doono Alle, xusna Allehaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhaw yahay inuu igu hanuuniyo Rabbigey wax ka dhaw kaas oo toosni ah.
وَلَبِثُوا۟ فِى كَهْفِهِمْ ثَلَٰثَ مِا۟ئَةٍ سِنِينَ وَٱزْدَادُوا۟ تِسْعًا
Waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal.
قُلِ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا۟ لَهُۥ غَيْبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ أَبْصِرْ بِهِۦ وَأَسْمِعْ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا يُشْرِكُ فِى حُكْمِهِۦٓ أَحَدًا
Waxaad dhahdaa Alle ayaa og waxay nagaadeen, waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Alle, umana sugnaanin dadka isaga ka sokow gargaare, lamana wadaajiyo xukunkiisa cidna.
وَٱتْلُ مَآ أُوحِىَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا
Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Allehaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid.
وَٱصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُۥ عَن ذِكْرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمْرُهُۥ فُرُطًا
Ee ku samirsii naftaada la jirka kuwa baryaya Rabbigood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa, yeyna ka iilannin indhahaagu xaggooda adoo dooni quruxda nolosha dhaw (ee adduun) hana adeecin ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa xusiddannada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo xumaan).
وَقُلِ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ فَمَن شَآءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَآءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلظَّٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا وَإِن يَسْتَغِيثُوا۟ يُغَاثُوا۟ بِمَآءٍ كَٱلْمُهْلِ يَشْوِى ٱلْوُجُوهَ بِئْسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتْ مُرْتَفَقًا
Waxaad dhahdaa xaqu Allihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo, annagu waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxaddeedu) iyo darbigeedu, hadday kaalmo warsadaanna waxaa loogu kaalmeeyaa biyo daammur oo kale ah oo duba wajiyada, cabitaankoodaa xumaaday, u xun cabbid, iyadaana u xun meel lagu dangiigsado.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا
Kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno ajarka ciddii wanaajisa camalka.
أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ نِعْمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا
Kuwaas waxay mudan jannada cadnin oo dureeri dhexdeeda wabiyaal, looguna labisi dhexdeeda jijimo dahab ah, una xidhay maryo cagaaran oo ah xariir jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku dangiigsan dhexdeeda sariiro korkood, waa abaal marin fiican una wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto.
وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَٰبٍ وَحَفَفْنَٰهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا
Uga yeel tusaale labo nin oon u yeellay midkood laba beerood oo cinab ah, kuna wareejinnay geed timireed yeellayna dhexdooda abuur.
كِلْتَا ٱلْجَنَّتَيْنِ ءَاتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْـًٔا وَفَجَّرْنَا خِلَٰلَهُمَا نَهَرًا
Labada beeroodba mid kasta ay bixisay miraheedii, oo aysanna waxba ka nusqaamin, waxaanan ka dhambalnay dhexdooda wabi.
وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكْثَرُ مِنكَ مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا
Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin anaa kaa xoolo badan kaana tol badan.
وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدًا
Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay halaagsami waligeed.
وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّى لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا
Umana malaynayo in saacadda (qiyaame) kici, haddii lay celiyo xagga Rabbigeyna waxaan ka heli mid ka khayr roon noqoshada.
قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرْتَ بِٱلَّذِى خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلًا
Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday Allihii kaa abuuray carro, hadana dhibic, markaas ku ekeeyey adoo nin ah.
لَّٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِرَبِّىٓ أَحَدًا
Hasa yeeshee Ilaahay waa Rabbigey lana wadaajin maayo (cibaadada) Rabbigey cidna.
وَلَوْلَآ إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا
Maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu Allaah doono wuu ahaadaa, xoogna uma lihin daacadda Alle hadduusan awood noo siin. Haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo carruurba.
فَعَسَىٰ رَبِّىٓ أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا
Wuxuu u dhaw yahay Allehay inuu i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo.
أَوْ يُصْبِحَ مَآؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبًا
Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo celin).
وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيْتَنِى لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّىٓ أَحَدًا
Waa la koobay midhihiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gacmihiisa, shallaay wuxuu ku bixiyey, iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la wadaajiyeenaa Rabbigey cidna.
وَلَمْ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا
Uma ahaannin koox u gargaarta oo ka soo hadhay Alle mana aha mid gargaarta.
هُنَالِكَ ٱلْوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلْحَقِّ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا
Halkaas (qiyaamada) yey awooddu u ahaan Allaha xaqa ah, isagaana khayr roon abaal marin khayr roonna cidhib.
وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ ٱلرِّيَٰحُ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ مُّقْتَدِرًا
Uga yeel Nabiyow tusaale nolosha adduunyo biyo oo kale oon ka soo dejinnay samada oo isku darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso dabayluhu, wuxuuna ahaaday Alle kii wax kasta kara.
ٱلْمَالُ وَٱلْبَنُونَ زِينَةُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱلْبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا
Xoolaha iyo wiilashu (carruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa ku khayr roon Allehaa agtiisa abaalmarin una khayr roon yididiilo (camalka fiican).
وَيَوْمَ نُسَيِّرُ ٱلْجِبَالَ وَتَرَى ٱلْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَٰهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا
Xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminnay dadkii oonnan ka tagin cidna.
وَعُرِضُوا۟ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَٰكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍۭ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًا
Waxaana loo bandhigi dadkii Allehaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu timaadaan saan idiin abuurnay markii horaba (yaa lagu dhihi kuwa inkiray soo nooleynta), waxaadse sheegateen inaannaan idiin yeelayn ballan «la idinku soo saarayo aakhiro».
وَوُضِعَ ٱلْكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيْلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلْكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحْصَىٰهَا وَوَجَدُوا۟ مَا عَمِلُوا۟ حَاضِرًا وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًا
Waxaana la dejin (keeni) kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa dambiilayaashii oo ka cabsan waxa ku sugan oo dhihi hallaaggannee muxuu leeyahay kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay camal faleen oo jooga, mana dulmiyo Allehaa cidna.
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِۦٓ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِى وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّۢ بِئْسَ لِلظَّٰلِمِينَ بَدَلًا
(Xusuuso) markaan ku nidhi malaa’igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu ka mid ahaa jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Alle, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaarayaal ani ka sokow iyagoo col idiin ah, waxaa u baasle daalimiinta waxa ay beddel qaateen oo Ibliis iyo fariciisi ah.
مَّآ أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلْمُضِلِّينَ عَضُدًا
Marag ugama dhigin kuwaas abuurka samooyinka iyo dhulka iyo abuurka naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo.
وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا۟ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًا
(Xusuuso) maalinta Alle dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) ood sheegateen (adduunka) markaasay u yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaanna yeellay dhexdooda meel halaag.
وَرَءَا ٱلْمُجْرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ يَجِدُوا۟ عَنْهَا مَصْرِفًا
Waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana helayaan xaggeeda meelay uga iishaan.
وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِى هَٰذَا ٱلْقُرْءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍ وَكَانَ ٱلْإِنسَٰنُ أَكْثَرَ شَىْءٍ جَدَلًا
Dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan.
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤْمِنُوٓا۟ إِذْ جَآءَهُمُ ٱلْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّهُمْ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ قُبُلًا
Wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf warsadaan Rabbigood ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaaddo cadaab caddaan.
وَمَا نُرْسِلُ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِٱلْبَٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَمَآ أُنذِرُوا۟ هُزُوًا
Mana dirro rasuullada iyagoon bishaarayneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِىَ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَقْرًا وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى ٱلْهُدَىٰ فَلَن يَهْتَدُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا
Ruuxna kama dulmi badna cid lagu waaniyey aayaadka Allehiis markaas ka jeedsaday xaggeeda oo halmaamay waxay hormarsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool inayan fahmin quraanka dhagahooda culays haddaad ugu yeedho hanuunkana ma hanuunayaan waligood.
وَرَبُّكَ ٱلْغَفُورُ ذُو ٱلرَّحْمَةِ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا۟ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلْعَذَابَ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌ لَّن يَجِدُوا۟ مِن دُونِهِۦ مَوْئِلًا
Allehaa waa dambi dhaafe naxariis leh hadduu u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan ah) wuxuu u dadajin lahaa cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan.
وَتِلْكَ ٱلْقُرَىٰٓ أَهْلَكْنَٰهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم مَّوْعِدًا
Taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaanna u yeellay halaaggoodii ballan (waqti).
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبْرَحُ حَتَّىٰٓ أَبْلُغَ مَجْمَعَ ٱلْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِىَ حُقُبًا
(Xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse yarkiisii (ardaygiisii) ma joogayo intaan ka gaadho kulanka labada badood, amaan socdo muddo.
فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ سَرَبًا
Markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay waddadiisa badda dhexdeeda godoo kale.
فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبًا
Markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay safarkeenna daale.
قَالَ أَرَءَيْتَ إِذْ أَوَيْنَآ إِلَى ٱلصَّخْرَةِ فَإِنِّى نَسِيتُ ٱلْحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيْطَٰنُ أَنْ أَذْكُرَهُۥ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ عَجَبًا
Wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan u dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.
قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ فَٱرْتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصًا
Wuxuu yidhi (Nabi Muuse): kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci.
فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَآ ءَاتَيْنَٰهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا
Waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoommadannada oon siinnay naxariis agtannada ah ka barneyna agtannada cilmi.
قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا
Wuxuu ku yidhi Muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah.
قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا
Wuxuuna ku yidhi (Khadir) adigu ma karaysid la jirkayga samir.
وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ خُبْرًا
Seed ugu samri waxaadan ku koobin cilmi (aqoon).
قَالَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرًا وَلَآ أَعْصِى لَكَ أَمْرًا
Wuxuu yidhi (Muuse) waad i heli hadduu Alle doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin.
قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعْتَنِى فَلَا تَسْـَٔلْنِى عَن شَىْءٍ حَتَّىٰٓ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًا
Wuxuu yidhi haddaad i raacdo hay waydiinnin waxba intaan kaaga sheego (warramo).
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِى ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَا قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا إِمْرًا
Way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey (loox) markaas uu yidhi ma waxaad u rujisay inaad dadkeeda maansheyso waxaad la timid arrin wayn.
قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا
Wuxuu ku yidhi miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.
قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًا
Wuxuu yidhi (Muuse) ha ii qabannin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga si dhib ah.
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمًا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةًۢ بِغَيْرِ نَفْسٍ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا نُّكْرًا
Way tageen intay kala kulmaan wiil (yar) markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la inkiro.
قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا
Wuxuu yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.
قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَىْءٍۭ بَعْدَهَا فَلَا تُصَٰحِبْنِى قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّى عُذْرًا
Wuxuu yidhi haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe.
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهْلَ قَرْيَةٍ ٱسْتَطْعَمَآ أَهْلَهَا فَأَبَوْا۟ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا
Way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay martigaliyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey wuxuuna yidhi haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro.
قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيْنِى وَبَيْنِكَ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا
Wuxuu yidhi kan waa kala taggii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin inaad ku samirto.
أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَٰكِينَ يَعْمَلُونَ فِى ٱلْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٌ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًا
Markabka waxaa lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan ceebeeyo waxaana ahaa hortooda xaakim xoog ku qaata doon kasta (oo fayow).
وَأَمَّا ٱلْغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَآ أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَٰنًا وَكُفْرًا
Wiilkana waxay ahaayeen labadiisii waalid mu’miniin waxaanna ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo xadgudub iyo (gaalnimo).
فَأَرَدْنَآ أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَوٰةً وَأَقْرَبَ رُحْمًا
Waxaanna doonnay inuu ugu badalo Rabbigood mid ka khayr roon daahirnimo iyo u dhawi naxariis.
وَأَمَّا ٱلْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِى ٱلْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُۥ كَنزٌ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحًا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ وَمَا فَعَلْتُهُۥ عَنْ أَمْرِى ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا
Darbigana waxaa lahaa labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ahaa kansi ay leeyihiin, wuxuuna ahaa aabahood mid suubban, wuxuuna doonay Allehaa inay gaadhaan xooggooda lana baxaan kansigooda naxariista Allehaa dartiis, uma falin ra’yigayga, kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa*.
وَيَسْـَٔلُونَكَ عَن ذِى ٱلْقَرْنَيْنِ قُلْ سَأَتْلُوا۟ عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا
Waxay ku warsan dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin xaggiisa war (waxyi).
إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ وَءَاتَيْنَٰهُ مِن كُلِّ شَىْءٍ سَبَبًا
Annagaa makaninnay (siinnay) xukun dhulka waxaanna u siinnay wax kasta sabab (cilmi).
فَأَتْبَعَ سَبَبًا
Wuxuuna raacay waddo.
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِى عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا قُلْنَا يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا
Markuu gaadhay qorrax u dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah (muuqaalka) wuxuuna ka helay agteeda qoom, waxaana nidhi Dul Qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag.
قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابًا نُّكْرًا
Wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala waannu cadaabi (ciqaabi) markaasaa loo celin Allehiis wuuna cadaabi cadaab daran.
وَأَمَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلْحُسْنَىٰ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا
Ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaanna u dhihi amarkannaga fudayd.
ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا
Markaasuu raacay waddo.
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍ لَّمْ نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًا
Markuu gaadhay qorrax ka soo baxna wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aannaan yeelin sokeydeeda asturaad.
كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا
Arrinku waa sidaas (aan sheegnay), waxaan ku koobnay waxa (Dulqarnayn) agtiisa ah ogaansho.
ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا
Markaasuu raacay waddo.
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ ٱلسَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًا لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا
Markuu gaadhay inta u dhexeysa labada buurood ee xijaabaya waxa ka danbeeya wuxuu ka helay hortooda qoom aan garanayn hadal (af gaar ah ku hadla).
قَالُوا۟ يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰٓ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا
Waxayna dheheen Dul Qarnaynow yaajuuj iyo maajuuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro inaad yeesho dhexdannada derbi xijaaba.
قَالَ مَا مَكَّنِّى فِيهِ رَبِّى خَيْرٌ فَأَعِينُونِى بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا
Wuxuu yidhi wuxuu i makaniyey (i siiyey) Rabbigey yaa ka khayr roon ee igu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene.
ءَاتُونِى زُبَرَ ٱلْحَدِيدِ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ ٱلصَّدَفَيْنِ قَالَ ٱنفُخُوا۟ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارًا قَالَ ءَاتُونِىٓ أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا
I siiya goosimo bir ah, markuu ekeeyey labada dhinac dhexdooda wuxuu yidhi afuufa markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi i siiya aan ku shubee maar la dhalaaliyey.
فَمَا ٱسْطَٰعُوٓا۟ أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ لَهُۥ نَقْبًا
Mana karayaan inay ka soo kor baxaan (ka soo dhacaan) mana karayaan inay duleeliyaan.
قَالَ هَٰذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّى فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ رَبِّى جَعَلَهُۥ دَكَّآءَ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّى حَقًّا
Wuxuuna yidhi kan waa naxariis Rabbigey, markuu yimaaddo yabooha Rabbigeyna wuxuu ka yeelaa burbur, yabooha Rabbigeyna waa xaq (sugan).
وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِى بَعْضٍ وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَجَمَعْنَٰهُمْ جَمْعًا
Waxaannu ka yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka (kale) dhexgali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa kulmin.
وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ لِّلْكَٰفِرِينَ عَرْضًا
Waxaanna u bandhigaynaa jahannamo maalintaa gaalaada bandhig.
ٱلَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِى غِطَآءٍ عَن ذِكْرِى وَكَانُوا۟ لَا يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا
Waana kuway indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara (maqalka) xaqa.
أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن يَتَّخِذُوا۟ عِبَادِى مِن دُونِىٓ أَوْلِيَآءَ إِنَّآ أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَٰفِرِينَ نُزُلًا
Ma waxay u maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen addoommadayda iga sokow awliyo (tu anfici inay tahay, saas ma aha arrintu) waana u darabnay jahannamo gaalada dagid.
قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِٱلْأَخْسَرِينَ أَعْمَٰلًا
Waxaad dhahdaa ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan camallo.
ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا
Waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتْ أَعْمَٰلُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَزْنًا
Kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Rabbigood iyo la kulankiisa oo uu buray camalkoodu umana joojinno maalinta qiyaame miisaan «qiimana ma leh».
ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا۟ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَرُسُلِى هُزُوًا
Kaasina waa abaalkoodii jahannamo, gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen aayaadkayga iyo rasuulladayda jeesjees.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلْفِرْدَوْسِ نُزُلًا
Kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid. (Martiqaad).
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا
Wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).
قُل لَّوْ كَانَ ٱلْبَحْرُ مِدَادًا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّى لَنَفِدَ ٱلْبَحْرُ قَبْلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّى وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِۦ مَدَدًا
Waxaad dhahdaa hadday u noqoto badda khad kalimooyinka Rabbigey waxaa dhammaan lahaa badda ka hor dhammaanshaha kalimaadka Rabbigey aaban keenno isagoo kale (oo siyaadin ah).
قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَمَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَٰلِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدًۢا
Waxaad dhahdaa waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa lay waxyooday in uun uu yahay kan cibaadada idinka mudan Ilaah kaliya, ruuxiise dooni la kulanka Allehiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Allehiis cidna.