يسٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
Waa la furayaa…
83 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
يسٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْحَكِيمِ
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (rasuullada).
عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Jid toosanna waad ku sugan tahay.
تَنزِيلَ ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
Quraankuna waa soo dajinta Allaha adkaada ee naxariista.
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمْ فَهُمْ غَٰفِلُونَ
Inaad ugu digto qoom aan loo digin aabayaalkood oo halmaansan.
لَقَدْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَىٰٓ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankooda (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
إِنَّا جَعَلْنَا فِىٓ أَعْنَٰقِهِمْ أَغْلَٰلًا فَهِىَ إِلَى ٱلْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ
Annagaa yeellay cunahooda bir waxayna qaban tan iyo gadhka madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).
وَجَعَلْنَا مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَٰهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ
Waxaanna yeellay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tirnay waxna ma arkaan.
وَسَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Waxaa isku mid ah haddaad digto iyo hadaadan u digin (marna) ma rumeeyaan.
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكْرَ وَخَشِىَ ٱلرَّحْمَٰنَ بِٱلْغَيْبِ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ
Waxaad uun u digi (ooy anfici digiddu) ruuxii raaca quraanka oo Alle ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajir wanaagsan.
إِنَّا نَحْنُ نُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا۟ وَءَاثَٰرَهُمْ وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ فِىٓ إِمَامٍ مُّبِينٍ
Annagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raadkoodiiba (wixii looga dayanaayey), wax walbana waxaan ku koobnay kitaab muuqda (looxul maxfuudka).
وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَٰبَ ٱلْقَرْيَةِ إِذْ جَآءَهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay u yimaadeen rasuulladii (loo soo diray).
إِذْ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمُ ٱثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوٓا۟ إِنَّآ إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ
Markaan u dirnay xaggooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinnay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
قَالُوا۟ مَآ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحْمَٰنُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Allaha Raxmaan ahna waxba ma soo dajinnin, idinkuna waxaan been ahayn ma sheegaysaan.
قَالُوا۟ رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّآ إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ
Waxay dhaheen (rasuuladii) Rabbigeen ayaa og in naloo kiin soo diray.
وَمَا عَلَيْنَآ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
قَالُوٓا۟ إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا۟ لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xaggannaga idinka taaban cadaab daran.
قَالُوا۟ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمْ أَئِن ذُكِّرْتُم بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ
Waxay dhaheen rasuulladii baaskiinnu wuu idinla joogi, mahaddii laydin waaniyo (ayaad na baaseysanaysaan), waxaadse tihiin qoon xadgudbay.
وَجَآءَ مِنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَٰقَوْمِ ٱتَّبِعُوا۟ ٱلْمُرْسَلِينَ
Waxaa ka yimid magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.
ٱتَّبِعُوا۟ مَن لَّا يَسْـَٔلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.
وَمَا لِىَ لَآ أَعْبُدُ ٱلَّذِى فَطَرَنِى وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Maxaanan u caabudaynin Allihii i abuuray xaggiisana laydiin celin.
ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدْنِ ٱلرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّى شَفَٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا يُنقِذُونِ
Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Allaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax ii tareyn shafeecadoodu waxba ayan i korinayn.
إِنِّىٓ إِذًا لَّفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).
إِنِّىٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمْ فَٱسْمَعُونِ
Anigu waxaan rumeeyay Allehiin ee maqla.
قِيلَ ٱدْخُلِ ٱلْجَنَّةَ قَالَ يَٰلَيْتَ قَوْمِى يَعْلَمُونَ
Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado.
بِمَا غَفَرَ لِى رَبِّى وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُكْرَمِينَ
Waxa Alle iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey (inay ahayd iimankaygi iyo sabarkeygi).
وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنۢ بَعْدِهِۦ مِن جُندٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ
Kuma aannaan dajinnin qoomkiisii, gadaashiis, junuud samada ka timid, mana aannaan ahayn kuwo ku soo dajiya (ciidan kuwa la halaagi).
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَٰمِدُونَ
Waxaan qaylo kaliya ahaynna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen).
يَٰحَسْرَةً عَلَى ٱلْعِبَادِ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Nidaamo (qoomammo) yaa u sugnaatay addoommada, rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa.
أَلَمْ يَرَوْا۟ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ
Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xaggooda u soo noqonayn.
وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ
Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.
وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلْأَرْضُ ٱلْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَٰهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ
Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixinno midho ay wax ka cunaan.
وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَٰبٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ ٱلْعُيُونِ
Waxaanna yeellay dhexdeeda beero timir iyo cinabyo ah, waxaanna ka dillaacinay dhexdeeda ilo (biyo ah).
لِيَأْكُلُوا۟ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gacmahoodu, miyeyna mahdinaynin Alle.
سُبْحَٰنَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ
Waxaana nasahan Allaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah waxa dhulku soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.
وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ
Waxaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan dadkii.
وَٱلشَّمْسُ تَجْرِى لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ
Qorraxduna waxay ku oroddaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Allaha adkaada ee waxwalba og.
وَٱلْقَمَرَ قَدَّرْنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلْعُرْجُونِ ٱلْقَدِيمِ
Dayaxana waxaan u qadarnay (u yeelnay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.
لَا ٱلشَّمْسُ يَنۢبَغِى لَهَآ أَن تُدْرِكَ ٱلْقَمَرَ وَلَا ٱلَّيْلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِ وَكُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ
Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho dayaxa habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falaggiisuu dhex dabaalan.
وَءَايَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ
Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaarray aabayalkood doontii buuxday.
وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِۦ مَا يَرْكَبُونَ
Waxaanna uga abuuraynaa iyada oo kale waxay koraan.
وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ
Haddaan doonnana waan maansheynaa wax u gargaarana ma helaan lamana koriyo.
إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٍ
Naxariis Alle iyo u raaxayn tan iyo wakhti mooyee.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُوا۟ مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Marka gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiinna ah iyo waxa gadaashiinna ah waxaad u dhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ مِّنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ
Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Rabbigood way ka jeedsadaan.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطْعَمَهُۥٓ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Marka lagu dhaho bixiya waxa Alle idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Alle uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (qiyaamadu) haddaad run sheegaysaan.
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ
Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.
فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَآ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ
Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ
Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Rabbigood uga soo dagdagi.
قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحْمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلْمُرْسَلُونَ
Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soo bixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Allaha Raxmaan ah yaboohay rasuulladuna ku run sheegeen.
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ
Waxaan qaylo kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhammaantood agtannada lagu soo kulmin.
فَٱلْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen.
إِنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْجَنَّةِ ٱلْيَوْمَ فِى شُغُلٍ فَٰكِهُونَ
Asaxaabta jannada (ehelkeeda) maantaa waxay ku shuqloon yihiin nicmo iyo farax.
هُمْ وَأَزْوَٰجُهُمْ فِى ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare).
لَهُمْ فِيهَا فَٰكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.
سَلَٰمٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ
Salaan Rabbiga naxariista xaggiisa ka timidna way heli.
وَٱمْتَٰزُوا۟ ٱلْيَوْمَ أَيُّهَا ٱلْمُجْرِمُونَ
Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).
أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَٰبَنِىٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا۟ ٱلشَّيْطَٰنَ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Miyaanan idinkula ballamin bani Aadamow inaydaan caabudin shaydaan, illeen col muuqda yuu idiin yahay.
وَأَنِ ٱعْبُدُونِى هَٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.
وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا أَفَلَمْ تَكُونُوا۟ تَعْقِلُونَ
Dhab ahaan wuxuu u dhumiyay (shaydaan) xaggiinna dad badan, miyaydaan wax kasaynin.
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ
Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.
ٱصْلَوْهَا ٱلْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Ee gala maanta gaalnimadiinnii darteed.
ٱلْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَآ أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Maanta waxaan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen.
وَلَوْ نَشَآءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰٓ أَعْيُنِهِمْ فَٱسْتَبَقُوا۟ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ
Haddaan doonno waan indha tiraynaa oo markaas ay u dag-dagaan waddada, sayse u arki.
وَلَوْ نَشَآءُ لَمَسَخْنَٰهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ
Haddaan doonnana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna.
وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِى ٱلْخَلْقِ أَفَلَا يَعْقِلُونَ
Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gaddin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn.
وَمَا عَلَّمْنَٰهُ ٱلشِّعْرَ وَمَا يَنۢبَغِى لَهُۥٓ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْءَانٌ مُّبِينٌ
Maannaan barin Nabiga shicirka, kumana habboona, waxaan (barnay) uun waano iyo quraan cad.
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado gaalada.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَآ أَنْعَٰمًا فَهُمْ لَهَا مَٰلِكُونَ
Miyeyna arkaynin inaan uga abuurnay waxaan sameynay xoolo ay hantaan.
وَذَلَّلْنَٰهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ
Oon u laylinnay, ooy waxna ka koraan waxna ka cunaan.
وَلَهُمْ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Alle.
وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ
Waxay ka yeesheen Alle ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.
لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ
Mana karaan gargaarkooda waxayna u yihiin junuud (askar) kulmisan.
فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ
Ee yuuna ku walbahaar galinnin hadalkoodu annagaa og waxay qarsan iyo waxay muujinbee.
أَوَلَمْ يَرَ ٱلْإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقْنَٰهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Miyuusan arag dadku (oo ogayn) inaan ka abuurnay dhibic, markaas uu noqday dood badane cad.
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِىَ خَلْقَهُۥ قَالَ مَن يُحْىِ ٱلْعِظَٰمَ وَهِىَ رَمِيمٌ
Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi: yaa noolayn lafo baaliyoobay.
قُلْ يُحْيِيهَا ٱلَّذِىٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ
Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Allihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay.
ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَآ أَنتُم مِّنْهُ تُوقِدُونَ
Allaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad hursataan.
أَوَلَيْسَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخْلُقَ مِثْلَهُم بَلَىٰ وَهُوَ ٱلْخَلَّٰقُ ٱلْعَلِيمُ
Allaha abuuray samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro iyagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan.
إِنَّمَآ أَمْرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيْـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
Amarka Alle na markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado.
فَسُبْحَٰنَ ٱلَّذِى بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Allaha ay gacantiisa ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisaana laydiin soo celin.