تَبَٰرَكَ ٱلَّذِى بِيَدِهِ ٱلْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Allaha xukunku iyo hanashada caalamku gacantiisa ku jiro ee wax walbana kara.
Waa la furayaa…
30 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
تَبَٰرَكَ ٱلَّذِى بِيَدِهِ ٱلْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Allaha xukunku iyo hanashada caalamku gacantiisa ku jiro ee wax walbana kara.
ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْمَوْتَ وَٱلْحَيَوٰةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفُورُ
Allaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna camal fiican, Alle na waa adkaade dambidhaafe ah.
ٱلَّذِى خَلَقَ سَبْعَ سَمَٰوَٰتٍ طِبَاقًا مَّا تَرَىٰ فِى خَلْقِ ٱلرَّحْمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٍ فَٱرْجِعِ ٱلْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُورٍ
Alle waa midka abuuray toddobo samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Allaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
ثُمَّ ٱرْجِعِ ٱلْبَصَرَ كَرَّتَيْنِ يَنقَلِبْ إِلَيْكَ ٱلْبَصَرُ خَاسِئًا وَهُوَ حَسِيرٌ
Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhibban daallanna.
وَلَقَدْ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلْنَٰهَا رُجُومًا لِّلشَّيَٰطِينِ وَأَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
Alle wuxuu ku qurxiyey samada dhow nalal (xiddigaha) wuxuuna ka dhigay xiddigahaas kuwo lagu gano shayaadiinta, wuxuuna Alle u diyaariyay kuwaas naarta saciiro.
وَلِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Kuwa ka gaaloobay Rabbigood waxaa u sugnaaday caddibaadda jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
إِذَآ أُلْقُوا۟ فِيهَا سَمِعُوا۟ لَهَا شَهِيقًا وَهِىَ تَفُورُ
Marka gaalada lagu tuuro naarta waxay ka maqli cod xun oo daran iyadoo karaysa.
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلْغَيْظِ كُلَّمَآ أُلْقِىَ فِيهَا فَوْجٌ سَأَلَهُمْ خَزَنَتُهَآ أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَذِيرٌ
Waxay u dhawdahay inay cadha daraaddeed la kala dillaacdo, marka koox (gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada malaa’igta naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaannin wax idiin diga.
قَالُوا۟ بَلَىٰ قَدْ جَآءَنَا نَذِيرٌ فَكَذَّبْنَا وَقُلْنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ كَبِيرٍ
Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninnay, annagoo leh ma soo dejinnin Alle waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.
وَقَالُوا۟ لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno naarta saciiro ehelkeeda ma aannaan noqonneen.
فَٱعْتَرَفُوا۟ بِذَنۢبِهِمْ فَسُحْقًا لِّأَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Waxay qirteen (gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho naarta saciiro ehelkeeda.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwa Alle ka yaaba iyagoon la arkaynin (Alle mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.
وَأَسِرُّوا۟ قَوْلَكُمْ أَوِ ٱجْهَرُوا۟ بِهِۦٓ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Ama hadalka hoos u dhiga dadow ama kor u qaada Alle waa ogyahay waxa laabta ku jira.
أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلْخَبِيرُ
Ma waxaan wax ogeyn Allaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.
هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ ذَلُولًا فَٱمْشُوا۟ فِى مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا۟ مِن رِّزْقِهِۦ وَإِلَيْهِ ٱلنُّشُورُ
Alle waa kan dhulka ka dhigay mid laylyan, ee ku socda waddooyinkiisa kana cuna quudkiisa Alle ayaana dadka loo soo kulmin (qiyaamada).
ءَأَمِنتُم مَّن فِى ٱلسَّمَآءِ أَن يَخْسِفَ بِكُمُ ٱلْأَرْضَ فَإِذَا هِىَ تَمُورُ
Miyaad ka aamin noqoteen Allaha sare inuu dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo.
أَمْ أَمِنتُم مَّن فِى ٱلسَّمَآءِ أَن يُرْسِلَ عَلَيْكُمْ حَاصِبًا فَسَتَعْلَمُونَ كَيْفَ نَذِيرِ
Miyaadse ka aamin noqoteen Allaha sare inuu dhagaxyo naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digniinta Alle cidhibteeda.
وَلَقَدْ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
Waxaa Alle beeniyey gaaladii (reer makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd ciqaabti Alle.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلطَّيْرِ فَوْقَهُمْ صَٰٓفَّٰتٍ وَيَقْبِضْنَ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحْمَٰنُ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍۭ بَصِيرٌ
Miyeyna dadku arkaynin shimbiraha korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Allaha Raxmaan ahaynna uusan jirin, Alle na wax walba wuu arkaa.
أَمَّنْ هَٰذَا ٱلَّذِى هُوَ جُندٌ لَّكُمْ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحْمَٰنِ إِنِ ٱلْكَٰفِرُونَ إِلَّا فِى غُرُورٍ
Waa kuma gargaaraha Allaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari gaalada, gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.
أَمَّنْ هَٰذَا ٱلَّذِى يَرْزُقُكُمْ إِنْ أَمْسَكَ رِزْقَهُۥ بَل لَّجُّوا۟ فِى عُتُوٍّ وَنُفُورٍ
Waa kuma kan wax quudiya haddii Alle haysto risqigiisa, gaaladu waxay ku madax adaygeen isla weyni iyo xaq diidnimo.
أَفَمَن يَمْشِى مُكِبًّا عَلَىٰ وَجْهِهِۦٓ أَهْدَىٰٓ أَمَّن يَمْشِى سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Midkee wanaagsan ruux wajiga ku socda iyo mid si toosan oo siman waddda toosan ugu socda.
قُلْ هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنشَأَكُمْ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Dheh Nabiyow Alle waa midka dadkow idin ahaysiiyey, maqal iyo arag iyo caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Alle ku shukridaan.
قُلْ هُوَ ٱلَّذِى ذَرَأَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Dheh Alle waa midka dadkow dhulka idinku beeray isagaana (qiyaamada) loo soo kulmin doonaa dadka.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Waxay dhihi gaaladu waa goorma waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan.
قُلْ إِنَّمَا ٱلْعِلْمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Dheh Alle ayaa og goortaas, waxaanse ahay anigu u dige cad (muuqda).
فَلَمَّا رَأَوْهُ زُلْفَةً سِيٓـَٔتْ وُجُوهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَقِيلَ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَدَّعُونَ
Markaysa gaaladu naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi wajiga gaalada, waxaana lagu dhihi waa kan cadibaaddii aad doonayseen (dedejisanayseen).
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِنْ أَهْلَكَنِىَ ٱللَّهُ وَمَن مَّعِىَ أَوْ رَحِمَنَا فَمَن يُجِيرُ ٱلْكَٰفِرِينَ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ
Dheh balse ka warrama haddii Alle aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa gaalo ka korin caddibaad daran.
قُلْ هُوَ ٱلرَّحْمَٰنُ ءَامَنَّا بِهِۦ وَعَلَيْهِ تَوَكَّلْنَا فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Dheh Alle waa Raxmaan waana rumaynay, waana tala saarannay, waadse ogaan doontaan (gaalooy) cidda baadi cad ku sugan.
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِنْ أَصْبَحَ مَآؤُكُمْ غَوْرًا فَمَن يَأْتِيكُم بِمَآءٍ مَّعِينٍۭ
Dheh balse warrama hadday biyuhu dhulka ku gudhaan yaa idin siin biya durduri (ma jiro Alle waxaan ahayn).