عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (gaaladu).
Waa la furayaa…
40 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (gaaladu).
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ
Warkii waynaa xaggiisa (quraanka qiyaamada ka warrami).
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
Ay isku diiddanaayeen.
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Saas ma aha ee way ogaan doonaan.
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Haddana way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًا
Miyaannaan dhulka gogol ka yeelin.
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًا
Buurahana rukummo (ka yeelin).
وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًا
Miyannaan idin abuurin idinkoo noocyo ah (lab iyo dheddig).
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
Miyaannaan hurdada raaxo idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًا
Miyaannaan habeenka asturaad idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًا
Miyaannaan maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
Korkiinna miyaannaan ka dhisin toddoba xoog leh.
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
Miyaannaan dhexdeeda yeelin siraad aad u ifi (qorraxda).
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءً ثَجَّاجًا
Waxaan idiinka soo dajinnay daruuraha biyo badan.
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّا وَنَبَاتًا
Si aan ugu soo bixinno midho iyo daaq.
وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا
Iyo beero kulansan (oo geedaheedu is dhex gashan yihiin).
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًا
Maalinta kala buxu waxay leedahay waqti go’an.
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
Waana maalinta suurka la afuufi ood u imanaysaan kooxo.
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًا
Samadana waa la furi waxayna yeelan albaabbo.
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
Buurahana waa la kaxayn (oo ay baabi’i) waxayna noqon dhalanteed.
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا
Naarta jahannamana waxay u darban tahay.
لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًا
(Gaalada) xadgudbay meelay u noqon.
لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًا
Waxayna ku nagaan dhexdeeda sanooyin (aan dhammaad lahayn).
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama hurdo) ama cabbid midna.
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا
Waxaan ahayn biyo kulul iyo dhacaanka (ehlu naarka).
جَزَآءً وِفَاقًا
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan camalkoodii.
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًا
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًا
Waxayna beeniyeen aayaadkannaga beenin.
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًا
Wax walbana waxaan ku koobnay kitaab (looxul-maxfuud, malaa’igtuna way qortay).
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
Ee dhadhamiya caddibaad gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhin maynee.
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
Kuwa Alle ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًا
Beero iyo cinabyana way heli.
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا
Waxayna guursan haween da’yar oo isle eg.
وَكَأْسًا دِهَاقًا
Waxayna heli weel khamreed buuxa.
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّٰبًا
Jannada kuma dhex maqlaan hadal macna la’aan ah iyo is beenin midna.
جَزَآءً مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًا
Waa abaalmarin Alle uu siiyay oo ku filan.
رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا
Ahna Rabbiga samada iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, Allaha Raxmaan ah, hadal wax ku soo celinna ma jiro (qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّا لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًا
Maalinta Jibriil iyo malaa’igtu saf istaagi wax hadli ma jiro ruux Alle idmo mooyee oo hadal xaq ah ku hadla.
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا
Maalintaasi waa sugan tahay ee ruuxii doona Alle xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا
Waxaannu idiinka digaynaa caddibaad dhaw maalinta uu arki ruux walba waxay gacmihiisu hor marsadeen, gaalkuna uu dhihi shallaytadaydee maan carro noqdo.