وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًا
Alle wuxuu ku dhaartay malaa’igta nafta si daran uga siibta (gaalada).
Waa la furayaa…
46 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًا
Alle wuxuu ku dhaartay malaa’igta nafta si daran uga siibta (gaalada).
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشْطًا
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu’miniinta).
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبْحًا
Iyo malaa’igta hawada dabbaalata (si amar fulin ah).
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبْقًا
Iyo tan u orotanta wanaagga.
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
Iyo kuwa maamula amarka (Alle).
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Maalinta ay gilgilan (arlada iyo buuruhu) afuufka (hore).
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Oyna raaci tii dambe (waa sugan tahay).
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
Qalbiyaduna maalintaa way cabsan.
أَبْصَٰرُهَا خَٰشِعَةٌ
Araggeeduna wuu dullaysnaan.
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Waxayna dhihi (gaaladu) ma raadkiibaa naloo celin (oo adduunkii ah).
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمًا نَّخِرَةً
Markaan noqonno lafo duugoobay.
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
Waa uun hal qaylo kaliya.
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Dadkuna markaas ay dhulka kor iman.
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Markii Alle uga yeedhay toggii barakaysnaa ee dhuwaa.
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Kuna yidhi u tag fircoon wuu xadgudbaye.
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Oon Alle jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Wuxuuna (Nabi-muuse) tusiyay fircoon aayad wayn.
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Fircoonna wuu beeniyay oo caasiyay.
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Wuxuuna kulmiyay (askartii) una qaylyay.
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
Isagoo dhihi waxaan ahay Allihiinna sare.
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
Markaasaa Alle ciqaabay aakhiro iyo adduunba.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
Arrintaasna waano yaa ugu sugan ruuxii Alle ka yaabi.
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ بَنَىٰهَا
Ma idinkaa daran abuuridda mase samada, Alle ayaa dhisay.
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
Habeenkeedana madoobeeyay maalinteedana soo bixiyay (oo ifiyay).
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
Biyahiisa iyo daaqiisana soo bixiyay.
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
Buurahana sugay.
مَتَٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Si aad idinka iyo xoolihiinnu ugu nacfidaan.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
Markay timaaddo musiibadii waynayd (ee qiyaamadu).
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Maalintaas dadku way xusuusan waxay faleen.
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Naarta jaxiimana waxaa loo muujin ruuxii arki.
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Ruuxiise xadgudba.
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Nolosha adduunyana doorta.
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Jaxiima ayaa hoy u ah.
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
Ruuxiise ka yaaba horjoogsigiisa Alle (la kulan kiisa), naftana ka reeba hawada (xun).
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Jannada ayaa hoy u ah.
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
Waxay ku waydiin saacadda (qiyaamaha) markay sugnaan.
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Alle umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
Adugu waxaad tahay uun u digaha ruuxii ka yaabi.
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
Waxay la mid noqon maalintay arkaan (qiyaamada) iyagoon ku nagaannin (adduunka) galab iyo barqin mooyeen.