عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
Waa la furayaa…
42 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
Inuu u yimid kii indhaha la’aa.
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo daahir noqdo.
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Waa aad u bambixi.
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
وَهُوَ يَخْشَىٰ
Oo Alle ka yaabi.
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
Waad ka shuqloomi.
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ
Saas ma aha ee aayadahani waa waano.
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
فِى صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ
Waxay ku sugan tahay (waanadu) kutub sharaf leh.
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍۭ
Oo la kor yeelay lana daahiriyay.
بِأَيْدِى سَفَرَةٍ
Oy gacanta ku hayaan malaa’ig (wax qorta).
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍ
Sharafna leh oo baarri ah.
قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
Gaalo halla lacnado gaalnima badanaa.
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
Muxuu Alle ka abuuray kuwaas.
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Dhibic buu ka abuuray wuuna ekeeyay.
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Jidkana (ka soo bixidda caloosha hooyadii) wuu u fudaydiyay.
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ
Markaasuu dilaa qabrina ku asturaa.
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
Markuu doonana wuu soo bixin.
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ
Saas ma aha (ee qofku) wixii la faray ma yeelin.
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
Qofku ha fiiriyo cuntadiisa.
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّا
Inaan roob ku soo shubno shubid.
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّا
Dhulkana markaas aan jeexno jeexid.
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّا
Kana soo bixinno badar.
وَعِنَبًا وَقَضْبًا
Iyo cinab iyo daaqa (xoolaha).
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا
Iyo zaytuun iyo timir.
وَحَدَآئِقَ غُلْبًا
Iyo beero waawayn.
وَفَٰكِهَةً وَأَبًّا
Iyo faakiho (khudaar) iyo daaq.
مَّتَٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
Markay qayladii darrayd timaaddo (oo suurka la afuufo).
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
Waa maalinta ruuxu ka carari walaalkiis.
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
Iyo hooyadiis iyo aabihiis.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
Iyo haweeneydiisii iyo carruurtiisii.
لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ
Ruux walbana maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ
Wajiyaal maalintaas way nuuri (farxi).
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ
Wayna qosli oy bishaaraysan.
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ
Wajiyaalna maalintaas waxaa saaran boor lagu dulleynaayo.
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
Waxaana dabooli madow (iyo naxdin).
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ
Kuwaasina waa gaalada faasiqiinta ah (aadna u xun).