إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ
Marka qorraxda la duubo (qiyaamada).
Waa la furayaa…
29 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ
Marka qorraxda la duubo (qiyaamada).
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ
Xiddiguhuna daataan (iyagoo madow).
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ
Buurahana la kexeeyo (la rujiyo).
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ
Geelii rimmanaana la halleeyo (oo la dayaco).
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ
Dugaaggana la kulmiyo (qisaas darteed).
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ
Badahana la kululeeyo.
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ
Naf walbana jidhkeedii lagu lammaaneeyo.
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
بِأَىِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتْ
Maxaa dambi ah oo loo dilay.
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ
Kutubta (camalkana) la fidiyo.
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ
Samadana la rujiyo.
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ
Naarta jaxiimana la huriyo.
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ
Jannadana la dhaweeyo.
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّآ أَحْضَرَتْ
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ
Waxaan ku dhaartay «buu Alle yidhi» xiddigaha qarsooma (maalintii).
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ
Ee socda iftiinka qorraxdana ku qarsooma.
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ
Iyo habeenku markuu jeedsado.
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ
Ee quraanku waa hadalka Alle, oo uu soo raray malag sharaf lah.
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍ
Xoogna leh Alle agtiisana daraja ku leh.
مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ
Laguna addeeco halkaas aamminna ah.
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍ
Saaxiibkiinnu (Nabiguna) ma aha ku waalan.
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ
Horay buuna ugu arkay Jibriil jahadii caddayd (bariga Maka).
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍ
Nabiguna ma aha ruux looga shakiyo waxa maqan oo qaybka ah, amaba ku bakhayla.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَٰنٍ رَّجِيمٍ
Quraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ
Ee xaggeed gaalooy aadaysaan.
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَٰلَمِينَ
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha (oo waa waano).
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Waxna ma dooni kartaan in Rabbiga caalamku doona mooyee.