وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Wuxuu halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
Waa la furayaa…
36 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Wuxuu halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
Waa kuwa markay dadka ka soo beeganna oofsada (dhammaystirta).
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
Miyayna u malaynaynin (oo aysan ka cabsaneyn) kuwaasi in loo soo bixin.
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
Maalin wayn darteed (qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Maalinta dadku u istaagi Rabbiga caalamka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ
Saas ma aha ee camalka kuwa xun wuxuu ku qoran yahay sijiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ
Ma taqaannaa sijiin.
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Waa kitaab calaamaysan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Ee ah kuwa beeniya maalinta abaal marinta.
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Marka quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii dadkii hore.
كَلَّا بَلْ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Saas ma aha ee waxaa fuulay qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasban jireen oo dambi ah.
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
Waxaa sugan in Rabbigood maalintaas (qiyaame) laga xijaabi.
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
Markaasna ay gali jaxiimo.
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Waxaana loo odhan tani waa naartaad ku beeninayseen adduunka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
Saas xaalku ma aha ee kitaabka iyo camalka dadka wanaagsan wuxuu ku qoran yahay cilliyiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Cilliyiin ma taqaannaa.
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Waa kitaab (dadka fiican magacooda lagu qoray).
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Waxaana gacanta ku haya (oo korjooge u ah, soona xaadira) malaa’ig Alle u dhaw.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Kuwa wanaagsan waxay gali naciima (janno).
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
(Maalinta qiyaamana) sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
Wajigooda yaanad ka garan nicmada.
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
خِتَٰمُهُۥ مِسْكٌ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَٰفِسُونَ
Waxaana lagu khatimaa miski iyo udgoon, ee arrintaas ha u tartameen tartamayaashu.
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
Waxaana lagu dheehi cabbitaan sare (oo kor uga yimaada, lana barxin).
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
Waa il ay ka cabbaan kuwa Alle u dhaw.
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
Kuwii dambaabay (gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
Hadday maraanna way xaqiri jireen.
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
Markay guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqon jireen iyagoo isla wayn (oo raaxaysan).
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
Markay arkaan mu’miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsan yihiin.
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَٰفِظِينَ
Loomana dirin inay ilaaliyaan mu’miniinta.
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Sariiro korkood yayna wax ka daawan.
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
Miyaan laga abaalmarinnin gaalada waxay falayeen. (Waa laga abaalmariyay).