سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Waynee magaca Alle ee sarreeya.
Waa la furayaa…
19 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Waynee magaca Alle ee sarreeya.
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Allaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Allaha wax walba qaddaray jidkana tusiyey.
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ
Allaha soo bixiya daaqa.
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ
Kana dhiga markaas ka dib caws engagan oo madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kaa yeelaynaa mid akhriya quraanka halmaamina maysid.
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ
Wuxuu Alle doono mooyee, Alle na waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ
Waxaanna kuu fududayn haynaa waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ
Ee wax waani (Nabiyow) hadday wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ
Waxaa waantoobi ruuxa Alle ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى
Waxaana ka fogaan waanada ruuxa xune.
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ
Ee ah mid gali naarti wayneyd.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolaanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaana liibaanay ruuxii daahir noqda.
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
Magaca Alle na xusa, salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Saas ma’aha ee dadow waxaad dooranaysaan nolosha adduunyo ee dhaw.
وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (oo hadhi).
إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
Arrintaasuna waxay ku sugan tahay kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.