سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Waynee magaca Alle ee sarreeya.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Waynee magaca Alle ee sarreeya.
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Allaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Allaha wax walba qaddaray jidkana tusiyey.
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ
Allaha soo bixiya daaqa.
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ
Kana dhiga markaas ka dib caws engagan oo madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kaa yeelaynaa mid akhriya quraanka halmaamina maysid.
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ
Wuxuu Alle doono mooyee, Alle na waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ
Waxaanna kuu fududayn haynaa waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ
Ee wax waani (Nabiyow) hadday wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ
Waxaa waantoobi ruuxa Alle ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى
Waxaana ka fogaan waanada ruuxa xune.
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ
Ee ah mid gali naarti wayneyd.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolaanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaana liibaanay ruuxii daahir noqda.
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
Magaca Alle na xusa, salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Saas ma’aha ee dadow waxaad dooranaysaan nolosha adduunyo ee dhaw.
وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (oo hadhi).
إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
Arrintaasuna waxay ku sugan tahay kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
Alle ayaa sharaf badan, magaciisuna sidoo kale waa sharaf badan yahay, wax walbana isagaa qadaray, jidkana isagaa kala caddeeyay, ruuxii fiicanna tan san buu qaadi, ruuxii xunna tan daran buu qaadi, wuxuuna ku noolaan maddisha ma noolayso, liibaan waxaa leh ruuxii mu'min noqda xuska Alle iyo salaaddiisana badiya, nolosha adduunyana ayna khaldin, illeen aakharaa fiicane, waxaa la soo sheegayna waxay ku sugnayd kutubihii hore, sida: kii Nabi Ibraahim iyo Nabi Muuse. Saxiixu Muslim waxaa ku sugnaaday: «Alle wuu qaddaray maamulka khalqiga abuuridda samaawaadka iyo dhulka ka hore konton kun oo sano, carshigiisuna wuxuu ahaa biyaha korkooda».
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.