هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gaadhay qiyaamada warkeedii.
Waa la furayaa…
26 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gaadhay qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Wajiyaal maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ
Waxayna qaban shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً
Waxayna gali naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ
Taasoon waxna cayilinaynin gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ
Wajiyaalna maalintaas way nicmaysnaan (waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةً
Kumana maqasho jannada hadal macna darro ah.
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ
Waxaana ah dhexdeeda il socota.
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ
Iyo sariiro la kor yeelay.
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ
Iyo barkimooyin la safay.
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ
Iyo gogol la fidiyay.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
Miyayna fiirinaynin sida geela loo abuuray.
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
Iyo sida samada loo kor yeelay.
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
Iyo sida buuraha loo taagay.
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
Iyo sida dhulka loo fidiyay.
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ
Ee waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ
Mana tihid mid xoog ku leh (iyo qasab).
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
Hase yeeshee ruuxii xaqa ka jeedsada oo gaalooba (ku soo celi xaqa).
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ
Alle na wuu caddibi caddibaadda u wayn.
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ
Xaggannagayna u soo noqon (khalqigu).
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم
Annagaana xisaabin.