وَٱلْفَجْرِ
Alle wuxuu ku dhaaraty waabariga.
Waa la furayaa…
30 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
وَٱلْفَجْرِ
Alle wuxuu ku dhaaraty waabariga.
وَلَيَالٍ عَشْرٍ
Iyo habeennada tobanka ah (ee carrafo).
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
Iyo tirada siman iyo tan is dheer.
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
Iyo habeenku markuu tagayo.
هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto qof caqli leh.
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
Ma ku soo gaadhay sida Allehaa ku falay Caad.
إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَٰدِ
Wax la mid ahna aan lugu abuurin dhulka.
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
Iyo Thamuudkii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara waadiga.
وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
Iyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ
Kuwiina ahaa ku xad gudbay dhulka.
فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
Kuna badiyay dhexdiisa fasaadka.
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
Markaasaana Rabbigaa ku shubay caddibaad daran.
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
Maxaa yeelay Alle waa u darban yahay (abaalmarinta).
فَأَمَّا ٱلْإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
Marka Alle dadka imtixaano oo uu sharfo una nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa la i sharrifay (isagoo faani).
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَٰنَنِ
Haddiise Alle imtixaano oo xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Alle ayaa i dulleeyay.
كَلَّا بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn agoonka.
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Mana is fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا
Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo burburin.
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا
Oo uu yimaado Alle, malaa’igtuna timaado iyadoo saf saf ah.
وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ
Naarta jahannamana maalintaas la keeno, dadku waxay xusuusan waxay faleen, maxayse xusuusi tari.
يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ
Maalintaas sida Alle wax ruux u cadaabi ma jiro.
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ
Wax sida Alle wax u xidhina ma jiro.
يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ
Naftase xaqa rumaysay ee xasillooneey.
ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً
U noqo Allehaa adoo raalli ah lagaana raalli noqday.
فَٱدْخُلِى فِى عِبَٰدِى
Dhexgalna addoommadayda (wanaagsan).
وَٱدْخُلِى جَنَّتِى
Galna jannadayda.