وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
Alle wuxuu ku dhaartay qorraxda iyo barqinkeeda.
Waa la furayaa…
15 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
Alle wuxuu ku dhaartay qorraxda iyo barqinkeeda.
وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
Iyo dayuxu markuu qorraxda raaco.
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
Iyo maalintu markay ifiso (qorraxda).
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا
Iyo habeenku markuu daboolo (oo madoobaado).
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
Iyo samada iyo say u dhisan tahay.
وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا
Iyo dhulka iyo suu u fidsan yahay.
وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا
Iyo nafta iyo sida Alle u ekeeyay.
فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا
Una tusiyay jidka xun iyo ka Alle ka yaabiddaba.
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
Ee waxaa liibaanay ruuxii naftiisa daahiriya.
وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
Waxaana khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhex galiya.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiiis.
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا
Markuu tagay koodii xumaa (si uu hasha u dilo).
فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَٰهَا
Oo Rasuulkii Alle na ku yidhi, iska daaya hasha Alle iyo cabbiddeeda.
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا
Wayna beeniyeen rasuulkii hashiina way dileen markaasaa Alle si daran u caddibay dambigooda dartiis una simay ciqaabkii.
وَلَا يَخَافُ عُقْبَٰهَا
Isagoon Alle ka yaabaynin cidhibteeda danbe (iyo wax yeello).