وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
Alle wuxuu ku dhaartay qorraxda iyo barqinkeeda.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
Alle wuxuu ku dhaartay qorraxda iyo barqinkeeda.
وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
Iyo dayuxu markuu qorraxda raaco.
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
Iyo maalintu markay ifiso (qorraxda).
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا
Iyo habeenku markuu daboolo (oo madoobaado).
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
Iyo samada iyo say u dhisan tahay.
وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا
Iyo dhulka iyo suu u fidsan yahay.
وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا
Iyo nafta iyo sida Alle u ekeeyay.
فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا
Una tusiyay jidka xun iyo ka Alle ka yaabiddaba.
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
Ee waxaa liibaanay ruuxii naftiisa daahiriya.
وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
Waxaana khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhex galiya.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiiis.
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا
Markuu tagay koodii xumaa (si uu hasha u dilo).
فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَٰهَا
Oo Rasuulkii Alle na ku yidhi, iska daaya hasha Alle iyo cabbiddeeda.
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا
Wayna beeniyeen rasuulkii hashiina way dileen markaasaa Alle si daran u caddibay dambigooda dartiis una simay ciqaabkii.
وَلَا يَخَافُ عُقْبَٰهَا
Isagoon Alle ka yaabaynin cidhibteeda danbe (iyo wax yeello).
Alle wuxuu ku dhaartay todobo arrimood oo suuraddan ka mid ah, in ruuxii xaqa ku toosnaada uu liibaani, kii jidka xun qaadana uu khasaari, isla waynida dambiga, iyo xaq-diidnimaduna sabab u noqoto halaag iyo ciqaab. Rasuulkuna wuxuu yidhi «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee»: «ruux kastoo la dhalo waxaa lagu dhalaa fidrada (islaamka). Waxaa kale oo uu dhihi jiray isagoo sujuudsan: «Allow sii naftayda cabsideeda, daahirna yeel adaa u khayr badan ku wax daahiriyee, adigaa wali u ah sayidkeedana ah». Waxaa wariyay Imaam Axmed.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.