لَآ أُقْسِمُ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Waxaan ku dhaaran magaalada (Makaad ee sharrifan).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
لَآ أُقْسِمُ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Waxaan ku dhaaran magaalada (Makaad ee sharrifan).
وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Ood Nabiyow daggan tahay dhexdeeda.
وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa (oo laga wado dadka oo dhan).
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِى كَبَدٍ
Ee Alle dadka wuu abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (adduunka kala kulmi).
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُّبَدًا
Dadka (gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ
Miyaannaan u yeelin laba indhood.
وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ
Iyo carrab iyo laba bishimood.
وَهَدَيْنَٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ
Oo miyaannaan u caddaynin labada jid (khayrka iyo sharka).
Magaalada maka yuu Alle ku dhaartay, maxaa yeelay waa magaalo barakaysan quraankana lagu soo dajiyay, Nabigana laga bixiyay, kacbaduna ku taallo, saas darteed waa in la wayneeyo, addunkuna waa halgan iyo dhib, waase in xaqa la raacaa loona adkaystaa, bixinta xooluhuna waa inay ahaataa dar Alle, maxaa yeelay Alle wuxuu inagu galladaystay nicmooyin badan, sida: indhaha, caqliga, afka, carrabka, iyo bishimaha, si aad wanaag ugu hadashid, waddadana Alle waa ina tusiyay, si aan jidka wanaagga u qaadno kan xunna uga leexanno. Nabiguna wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee: «baladkan Alle wuu xaaraam yeelay maalintuu abuuray samaawaadka iyo dhulka, waana xaaraam sida Alle u xarrimay ilaa qiyaamada, geedkiisa lama rujiyo, waxaase la ii banneeyay saacad maalin ka mid ah, iyaduna waxay ku noqotay xaaraamnimadeedii shalay oo kale, ha gaadhsiiyo midka jooga kan maqan». Waxaa wariyay Muslim iyo Bukhaari iyo kutubta sunnada ee kale.
فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ
Ee dadku muu jiidho jiirta.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ
Ma taqaannaa jiirta.
فَكُّ رَقَبَةٍ
Waa qoor la xoreeyo.
أَوْ إِطْعَٰمٌ فِى يَوْمٍ ذِى مَسْغَبَةٍ
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ
Agoon kuu dhaw.
أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ
Ama miskiin dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ
Markaas la noqdo kuwa rumeeyay xaqa, isuna dardaarma samirka, isuna dardaarma naxariista.
أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Kuwaasina waa kuwa midigta mari.
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا هُمْ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Kuwa ka gaaloobayse aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
عَلَيْهِمْ نَارٌ مُّؤْصَدَةٌۢ
Waxaana lagu dabooli naar.
Qiimaha noloshu waa in ruuxu halgamo xaqana raaco, dhibka halgankaasna u adkaysto, dadka tabaaleysan ee goommoonna wax ku taro, gaar ahaan agoonta iyo masaakiinta, si markaas ruuxu uga mid noqdo kuwa sama falay ee samirka iyo naxariista is fara, jidka wanaagsanna qaada xumaanna ka taga. Rasuulkuna wuxuu yidhi «naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee: «ruuxaan u naxariisannin kaannaga yar oqoonsanninna xaqa ka wayn, naga mid ma aha». Waxaa wariyay Abuu Daawuud.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.