ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow magaca Alle ee abuuray (khalqiga).
Waa la furayaa…
19 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow magaca Alle ee abuuray (khalqiga).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ
Dadkana ka abuuray calaq (dhiig guntamay oo adkaaday).
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ
Akhri Alle na waa kan sharafta lehe.
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ
Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro.
عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ
Dadkana baray waxayna aqoonnin.
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ
Saas ma aha ee dadku (gaaladu) waa xadgudbeen.
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ
Markuu isku ogaaday hodontinnimo.
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ
Allehaa xaggiisaase loo noqon.
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ
Ka warrama midka ka reebaya.
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Addoon (Alle) oo tukan salaadda.
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsan yahay (waa Nabiga).
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ
Ama uu fari Alle ka yaabid.
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa Abuujahal iyo wixii la mid ahe).
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Miyuusan ogayn in Alle arko.
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban foodda.
نَاصِيَةٍ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍ
Food beenaaleey ah gafna badan.
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ
Ha u yeedho gargaarihiisa.
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Waxaannu u yeedhi malaa’ig darane.
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin, sujuudna, una dhawow (Alle).