ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow magaca Alle ee abuuray (khalqiga).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow magaca Alle ee abuuray (khalqiga).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ
Dadkana ka abuuray calaq (dhiig guntamay oo adkaaday).
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ
Akhri Alle na waa kan sharafta lehe.
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ
Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro.
عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ
Dadkana baray waxayna aqoonnin.
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ
Saas ma aha ee dadku (gaaladu) waa xadgudbeen.
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ
Markuu isku ogaaday hodontinnimo.
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ
Allehaa xaggiisaase loo noqon.
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ
Ka warrama midka ka reebaya.
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Addoon (Alle) oo tukan salaadda.
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsan yahay (waa Nabiga).
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ
Ama uu fari Alle ka yaabid.
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa Abuujahal iyo wixii la mid ahe).
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Miyuusan ogayn in Alle arko.
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban foodda.
نَاصِيَةٍ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍ
Food beenaaleey ah gafna badan.
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ
Ha u yeedho gargaarihiisa.
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Waxaannu u yeedhi malaa’ig darane.
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin, sujuudna, una dhawow (Alle).
Suuraddani waa suuraddii quraanka u soo hor dagtay, waxayna ku billaabatay faridda wax barashada iyo qalinka, taasoo ku tusin sida diinta islaamku ugu horrayso wax barashada iyo la dagaallanka jahliga, waxaa kalooy ku tusin xumaanta isla waynida iyo dadka oo xaqa laga reebo, iyo inaan la maqlin xumaanle warkiis ee Alle lagu xidhnaado illeen isagaa xoog iyo awoodba leh. Abuu-Hurayra waxa laga wariyay in Rasuulkii Alle «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» yidhi: «addoonku wuxuu Allehiis ugu dhaw yahay markuu sujuudsan yahay ee badiya ducada.» Waxaa wariyay Muslim.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.