بِّسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ فِى لَيْلَةِ ٱلْقَدْرِ
Annagaa soo dajinnay quraanka habeen laylatul qadar ah (sharaf leh).
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
بِّسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ فِى لَيْلَةِ ٱلْقَدْرِ
Annagaa soo dajinnay quraanka habeen laylatul qadar ah (sharaf leh).
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ
Ma taqaannaa laylatul qadarka.
لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍ
Waa habeen ka khayr badan kun bilood (oo kale).
تَنَزَّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمْرٍ
Waxaana soo daga malaa’igta (kale) iyo malaku Jibriil habeenkaas, idanka Alle dartiis iyo amarkiisa.
سَلَٰمٌ هِىَ حَتَّىٰ مَطْلَعِ ٱلْفَجْرِ
Waana habeen nabadgalyo inta waagu ka baryi.
Wuxuu Alle innoogu sheegay suuraddan inuu quraanka sharafta leh soo dajiyay habeenkaa wanaagsan ee ka khayr badan kun bilood, waxaana la sheegay in habeenkaasi ku jiro bisha barakaysan ee soon. Saas daraadded mar hadduu yahay habeen sharaf leh malaa’igtuna soo dagi habeen nabadgalyana yahay, waa in lagu dadaalaa sidii loo heli lahaa wanaaggana la badiyo xumaantana la yareeyo. Abuuhurayra waxaa laga wariyay in Rasuulkii Alle «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» uu yidhi: «ruuxii istaaga laylatu-qadarka «salaad» rumayn iyo ajri doonid darteed waa loo dhaafaa wixii hormary oo dambigiisa ah» waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.