Al-BayyinahSuurad 98 · 8 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Madiina (Madani)
Kaalinta nuurista
100 / 114
Aayadaha
8
Bogagga Mushafka
598–599
Macnaha magaca
The Clear Proof
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

98:1

لَمْ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ

Ma aha kuwii gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (yahuud iyo nasaara) iyo gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah).

98:2

رَسُولٌ مِّنَ ٱللَّهِ يَتْلُوا۟ صُحُفًا مُّطَهَّرَةً

Oo ah Rasuul Alle oo akhriyi kutub daahir ah.

98:3

فِيهَا كُتُبٌ قَيِّمَةٌ

Oo xukun fiicani ku yaal.

98:4

وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ

Mana kala tagin gaalada ehlu kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis).

98:5

وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلْقَيِّمَةِ

Dadkana waxaan Alle caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Alle diinta, toosanna, salaaddana oogi, zakadana bixin, saasina waa diinta toosan.

98:6

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ فِى نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ شَرُّ ٱلْبَرِيَّةِ

Kuwa gaaloobay oo ehlu kitaabka ah iyo gaaladii waxay gali naarta jahannama ayna ku waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugu shar badan khalqiga.

98:7

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ خَيْرُ ٱلْبَرِيَّةِ

Kuwa rumeeyayse xaqa camal fiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga.

98:8

جَزَآؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا رَّضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ رَبَّهُۥ

Abaalkooda ay Alle agtiisa ku leeyihiin waa jannooyin nagaadi, dhexdeedana ay dureeri wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Alle ayaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay ruuxii Rabbi ka yaaba.

Tafsiirka aayadaha 1–8

Suuraddu waxay sheegi xumaanta gaalada iyo inay Nabiga, quraanka iyo xaqaba diidi xasad, kibir iyo xaq diidnimo, hase yeeshee diintu iyo wanaaggeeduba waa cad yihiin sida maalintoo kale, dadkuna waa laba, mu'min khayr badan oo janna gali, iyo gaal shar badan iyo xumaan oo naar gali (Alle hanaga koriyee). Nabiguna wuxuu yidhi «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee»: «yahuudi waxay u kala tagtay kow iyo toddobaatan qaybood, nasaarana waxay u kala tageen laba iyo toddobaatan qaybood, ummaddanna waxay u kala tagi saddex iyo toddobaatan qaybood, dhammaanna naartay gali mid mooyeene» waxay dheheen: waa tee Rasuulkii Allow? Wuxuu yidhi: «waa tan ku socota saan nahay ani iyo asxaabtayda».

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.