إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
Marka dhulka (arladi) la gilgilo gilgiliddeedi.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
Marka dhulka (arladi) la gilgilo gilgiliddeedi.
وَأَخْرَجَتِ ٱلْأَرْضُ أَثْقَالَهَا
Arladuna soo bixiso culayskeedii (wixii ku aasnaa).
وَقَالَ ٱلْإِنسَٰنُ مَا لَهَا
Dadkuna (gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
يَوْمَئِذٍ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا
Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا
Maxaa yeelay Alle ayaa u waxyooday.
يَوْمَئِذٍ يَصْدُرُ ٱلنَّاسُ أَشْتَاتًا لِّيُرَوْا۟ أَعْمَٰلَهُمْ
Maalintaas dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga diinta iyo camalkaba) si loo tusiyo abaalka camalkooda.
فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًا يَرَهُۥ
Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ شَرًّا يَرَهُۥ
Kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki.
Qiyaamadu waa xaq sugan si ruux walba looga abaal mariyo camalkiisa, khayr ruuxii fala wuu la kulmi, xumaan yar ruuxii sameeyana wuu arki, ruux walbana suu ka diin yeesho yaa lugu abaal marin. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay inuu yidhi: Rasuulkii Alle «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» yaa akhriyay aayaddan: (maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda) wuxuuna yidhi: «ma ogtihiin warkeeda? » Waxay dheheen Alle iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yidhi: «warkeedu waa inay ku marag kacdo addoon kastaba wuxuu ku camal falay korkeeda, iyadoo dhihi: wuxuu camal falay sidaa iyo sidaa, maalin hebla iyo maalin hebla, warkeedu wakaas». Waxaa wariyay Axmad iyo Tirmidi iyo Nasaa’i.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.