وَٱلْعَٰدِيَٰتِ ضَبْحًا
Alle wuxuu ku dhaartay fardaha jihaadka u orda iyagoo feeraha ka qaylyi.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلْعَٰدِيَٰتِ ضَبْحًا
Alle wuxuu ku dhaartay fardaha jihaadka u orda iyagoo feeraha ka qaylyi.
فَٱلْمُورِيَٰتِ قَدْحًا
Iyo kuwa dabka qoobkooda ku ifiya (guuraha).
فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًا
Iyo kuwa cadawga weerara subaxdii.
فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًا
Ee boodhka kiciya.
فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا
Cadawgana dhexgala.
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌ
Ee dadku Rabbigood waa diideen.
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌ
Arrintaasna dadku wuu og yahay.
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ
Dadkuna xoola jacaylka waa ku daran yahay.
أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ
Miyuuna ogayn marka xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.
وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ
Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّخَبِيرٌۢ
In Rabbigood maalintaas ayaga u ogaal badan yahay.
Jihaadka gaaladu waa arrin wayn oo waajib ah, kaasoo ah in loo darbado wax kasta oo qalab ah, qiimaha arrintaasna waxaa ku tusin in Alle ku dhaartay. Waxaa kale oy suuraddu ina tusin madax adaygga dadka iyo xoola jacaylkiisa, marse haddii qiyaame la iman, qalbiga wixii ku qarsoonaana la muujin Alle na wax walba ogyahay, soo in loo darbado khayrkana la badiyo ma habboona.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.