Al-Qari'ahSuurad 101 · 11 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
30 / 114
Aayadaha
11
Bogagga Mushafka
600
Macnaha magaca
The Calamity
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

101:1

ٱلْقَارِعَةُ

Qaaricada (qalbiga garaacda).

101:2

مَا ٱلْقَارِعَةُ

Qaarica maxay tahay.

101:3

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ

Mase taqaannaa qaarico.

101:4

يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ

Waa maalinta dadku noqon sida baalallay faafsan.

101:5

وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ

Buuruhuna ay noqon sida suuf kala firdhay.

101:6

فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ

Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.

101:7

فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ

Wuxuu ku noolaan nolol laga raalli yahay.

101:8

وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ

Ruuxiise uu fududaado miisaankiisa (fiican).

101:9

فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌ

Wuxuu u hoydaa (naarta) haawiya (oo uu madax madax ugu hooban).

101:10

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ

Ma taqaannaa haawiya.

101:11

نَارٌ حَامِيَةٌۢ

Waa naar kulayl daran.

Tafsiirka aayadaha 1–11

Maalinta qiyaame magacya badan bay leedahay, waxayna ku tusin waynideeda siduu yidhi Cali binu Abii Daalib: magacyada badan waxay ku tusin waynida ka leh. Waana maalin miisaan caddaalad la taagi, ruux walbana uu la kulmi wuxuu hormarsaday, oo ah abaal-marin janno wanaagsan, ama naar kulayl badan. Rasuulkii Alle na wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee: «naartiibaa u dacwootay Rabbigeed iyadoo leh: Allow qaarkaybaa qaar cunay, markaasuu u idmay laba neefsasho, mid qabowga ah iyo mid kulaylka ah, waana qabowga u daran eed heshaan xagaagii, iyo kulaylka u daran eed heshaan jiilaalkii». Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.