أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
Waxaa idin shuqliyay dadow waxbadsasho (iyo isu faanid).
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
Waxaa idin shuqliyay dadow waxbadsasho (iyo isu faanid).
حَتَّىٰ زُرْتُمُ ٱلْمَقَابِرَ
Intaad xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Saas ma aha ee waad ogaan doontaan.
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Haddana saas ma ehee waad ogaan doontaan (faanka cidhibtiisa).
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ ٱلْيَقِينِ
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (waad dayn lahaydeen xumaanta).
لَتَرَوُنَّ ٱلْجَحِيمَ
Dhab ahaan baad u arkaysaan (naarta) jaxiima.
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ ٱلْيَقِينِ
Ka dibna waxaad u arkaysaan naartaas si yaqiin ah.
ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
Waxaana laydin warsan maalintaas nicmadii.
Faan iyo isla wayni wax qiima ah ma leh, waxaana lagala kulmaa cidhibxumo iyo khasaare, marse haddii la dhiman dhab-ahaanna wax loo arki doono, nicmadii addunyana lays waydiin doono waa in wanaag la hormarsadaa, xoolo iyo dad isugu faanna laga tagaa, xooluhu maxay tari haddaan wanaag loo hormarsannin. Rasuulkii Alle na wuxuu yidhi «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee»: maydka waxaa raaca saddex, laba way soo noqon midna wuu la jiraa: waxaa raaci ehelkiisa, maalkiisa iyo camalkiisa, waxaa soo noqon ehelkiisii iyo maalkiisii, waxaana ku hadhi camalkiisii. Waxaa wariyay Bukhaari, Muslim iyo Tirmidi.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.